Dib u dhac ku yimid magacaabistii Golaha wasiirada cusub iyo sababta oo lagu sheegay….

xeydar January 5, 2014 Comments Off
Dib u dhac ku yimid magacaabistii Golaha wasiirada cusub iyo sababta oo lagu sheegay….

 

Sida la filayay malintii shalay ay soo baxeen warar sheegaya in Dr.Cabdiweli Shiikh Axmed Wasiirka kowaad ee Soomaaliya uu ku dhawaaqayo maalinta Axadda ah ee maanta Golihiisa Wasiirada ayaa waxaa hadda soo baxay warar sheegaya in ay dhici karto in dib u dhac kale ku yimaado.

Sida uu ogaaday Jiinwabi.net waxaa weli jira wasiiro la isku khilaafsan yahay, gaar ahaa Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Dibadda oo aan la isku raacin dadka uu rayalwasaaruhu soo xushey. Sidoo kale xogta Jiinwabi.net heshey ayaa sheegaysa in Golahan Wasiirada Haweenku ku leeyihiin ugu yaraan 4 Wasiir, kuwaas oo 50% ku ah Xukuumaddii hore.

Sida ay sheegayaan warar Jiinwabi.net heshey Dr.Cabdiweli Shiikh ayaa codsadey in maanta lagu dhawaaqo oo keliya laba wasiir, kuwaas oo ka qaybgala wadahadalka Somaliland iyo dowladda Federaalka oo lagu wadey in malinta Taaladada la isugu yimaado Istanbul, waxaase wararku hadda sheegayaan in wada hadalkaas dib u dhacay labada wasiirna la isku qabsadey oo khilaaf ka taagan yahay.

Dhanka kale Xildhibanada Baarlamaanka aya sugi la ku dhawaaqidda xukuumadda oo la doonaayo in a horgeeyo, waxaana ku dheeraadey furnaanshaha kalfadhigoodi oo a ahayd in ay galaan fasax.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.