Waxaa si Rasmi ah u soo Dhamaaday Munaabadda Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya taasi oo ay ka soo qeyb galeen Mas,uuliyiin ka kala socotay Wadamada Deriska ah Beesha Caalamka ,Urur Goboleedka IGAD,Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta .
Sidoo kale waxaa Madasha Xafladda ka soo qeyb galay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Madxweynaha cusub ee Dalka iyo Madxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Afhayeenka Baarlamaanka Proff; Maxamed Sheikh Ismaaciil Jawaari.
Waxa ka hadlay Mas,uuliyiin ka mid ka soo qeyb Galayaasha Xafladda iyo sidoo kale Madax ka kala Socotay Wadamada Suudaan,Yugandha, iyo Dowladda Turkiga oo uu u hadlay Ra,Isul Wasaare Kuxigeenka Dalkaasi waxaana dhamaan ay sheegeen in ay Garab taagan yihiin Dowladda Cusub ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Dalka ayna halkoodii ka sii wadayaan Dadaalkooda ku aadan Nabad ku soo dabaalidda Dalka Soomaaliya.
Xafladda oo ay aheyd mid si heer sare ah loo soo Agaasimay ayaa waxaaa ugu Dambeyn Xilka ku kala wareegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo sidoo kale Madaxweynihii Shariif Sheikh Axmed .
Shariif Sheikh axmed Madaxweynihii hore ee Dalka oo ka hadlay Madasha Xafladda waxaa uu sheegay in uu sii wadayo Dadaalkiisa Dhanka Nabadda Soomaaliya waxaana uu ka dhawaajiyay in uu Garab taagan yahay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya .
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa si Rasmia ah Xilkii Madaxweynenino ugu wareejiyay Madaxweynaha cusub waxaana uu sheegay in uu ku Qanacsan yahay Xilwareejintani.
Waxaa ugu Dambeyn Xafladda soo xiray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Proff; Xasan Sheikh Maxamuud waxaana Madaxweynuhu uu ugu horey u Mahad celiyay Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed isagoo ugu mahad celiyay Mudadii Xilka uu hayay Dadaalkii Badnaa ee uu Sameeyay.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in Isbadal Wanaagsan uu Dalka u horseedi doono isagoo sheegay in Arimo ay ka mid yihiin Ammaanka iyo Hurumarka dalka Uu wax weyn ka qaban doono .
Waxaa Maanta si Rasmi Xafiiska Madaxweynenimo ee dalka lawareegay Madaxweynaha Soomaaliya oo isagu dhawaan lagu doortay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaana laga sugayaa in uu dhawaan soo Magacaabo Ra,Isul Wasaare uu yeesho Dalka.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.