Wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada Agaasimkeeda Shaqada iyo Shaqaalaha Dhalinyaradda Iyo Isbootiga ayaa u furtay 30 qubaro oo ka kala socday Ururada Bulshada, Shaqaalaha , Haweenka iyo NGO-yada Soomaaliyeed tababar lagu baranayo Badbaadinta ku shaqeysiga caruurta iyo dhalinyarada da’dooda ka yar tahay 18 sano oo ay gacan ka siisay Hay’ayadda shaqaalaha aduunka ee ( ILO ).
Tababarkan oo ay goob joog ka ahaayeen furitaankiisa mas’uuliyiyiin ka kala socday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha , Wasaarada Arrimaha dibada, Wasaarada Gaashaandhiga, Wasaaradda Arrimada Gudaha, Elman Peace iyo ururka haweenka qaranka Soomaaliyed waxaana loga hadlayay qaabkii looga Badbaadin lahaa ku shaqeysiga qaabka qaldan ee caruurta da,doodu aaney wali gaarin xiliga shaqada.
Waxaa ugu horeentii ka hadlay Agaasimaha waaxda Shaqaalaha Soomaaliyeed mudane Cabdi risaaq Macalin Cilmi oo ah agaasime waaxeedyada wasaaradda horumarinta adeega bulshada xukuumadda Soomaaliya, waxa uu sheegay in caruurta soomaaliyeed ee aan gaarin xiliga shaqada siyaabo kala duwan loogu shaqeysto tababarkana uu ahmiyad weyn u leeyahay ummadda soomaaliyeed.
Madaxa dhowrista Caruurta ee wasaarada Gaashaadhiga mudane Cabdiraxman Yusuf Meygag ayaa ka hadlay xaalada ay soo mareey Dhalinyarada iyo Caruurta sidii ay ugu badbaadi lahaayeen waxa khatarta ku ah nafsadooda waxuuna qeexay xiligii la askareysan jiray caruurta ee ku saleysnaa maleeshyo beeleed in uu sii dhamaaday, Wasaaradda Gaashaadhiga ayaa ka soo saartay go’aano cad cad oo lagu diidayo in la ciidameysto Caruurta Soomaaliyeed.
Gudoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Canab Xasan Cilmi oo aad ugu dheeraatay dhibaatada ay qabaan Haweenka da’da yar waxay tiri “dhalinyarada yar yarka waa in aan la shaqo gelin, lana askareynin ayadoo looga faa’iideysanayo daruufaha jira awgood, waxaan ka xumahay in dhalinyarada laga dhigto xaabo lagu shito dabka colaada ka jirta wadankeena”.
Marwo Canab ayaasheegtay “waxaan tilmaamayaa dhibaatada soo gaarta gabdhaha yaryarka ee aan gaarin guurka in la guursado bilooyin kadibna la iska furo halkaasina uu muqtaqbalkoodu ku idlaado taasi waa tacdi lagu hayo haweenka Dhalinyarada ah”.
Ugu dambeentii waxaa ka hadlay Furitaanka tababarkan shaqo ku dhowrista Caruurta Iyo Dhalinyarada mudane Aweeys Sheekh Xadaad oo ah agaasimaha Guud ee wasaaradda horumarinta adeega bulshada Agaasimkeeda Shaqada iyo Shaqaalaha Dhalinyaradda Iyo Isbootiga xukuumadda Soomaaliya “Waxaa jiri karta caruur 13 ilaa 14 jir oo waalidkood u dirsadaan in ay u shaqo tagaan shaqsiyaa goobo ganacsi leh oo aan u naxeyn caruurta is qaldana ugu shaqeysto Xuquuqdooda siineyni”.
“wasaaradda horumarinta adeega bulshada Agaasimkeeda Shaqada iyo Shaqaalaha Dhalinyaradda Iyo Isbootiga Arrimaha ku shaqeysiga caruurta iyo Dhalinyarada waxa ay ka qaadaneysaa talaabo waafaqsan sharciga u dagsan dalka iyo kan caalamiga” sidaana waxaa yiri Agaasime Xadad.
Agaasimaha mar uu ka hadlaya ujeedada tababarkan ayuu cadeeyay in uu xeerka caalamiga ee dhowrista Caruurta gaar ahaan wadamada Afrikaanka ay wada saxiixeen heshiiska Xeerkiisu ku saleysan yahay qodobada 138 iyo 182 oo ay ansixisay Hay’ayadda shaqaalaha aduunka ee ( ILO ). waxaa laga dhowrayaa Dalka Soomaaliya ka mid ahaanshaha Dawladaha Saxiixay Heshiiskan caalamiga ah.
Tababarkan oo socon doona mudo 2 maalmood ah ayaa waxaa la filayaa in mas’uuliyiintan matalaya Ururada dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn khibradaha ay ka faai’daystaan ay dib ugula noqon doonaan goobahooda shaqo ,islamarkaana ay bulshada ka wacyi galin doonaan ku shaqeysiga qaabka qaldan ee caruurta soo koreysa.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.