Guddoomiyaha Baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,ayaa codsi uu u diray ra,iisulwasaaraha cusub ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed inaysan waqti dheer ku qaadan soo magacaabista golaha wasiiradda cusub ee xukuumadiisa, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxa uu ka codsaday ra,iisul wasaaraha ay baarlamaanku meel mariyeen in xukuumadisa cusub uu soo magacaabo ka hor 10-ka bisha Janaayo ee sanadka cusub, xilligaasoo uu baarlamaanka galayo fasaxa kalfadhiga saddexad.
“Waxaan ka codsanayaa ra,iisul wasaaraha Soomaaliya in xukuumadiisa uu ku soo dhiso waqti dhow,ka hor inta aysan xildhibaaadu galin fasaxa saddexad’ayuu yiri guddoomiye Jawaari, Guddoomiyaha Baarlamaanka soomaaliya waxaa kale oo uu xukuumadda ka dalbaday in la horkeeno Baarlamaanka miisaaniyada sanadka 2014, si loo meel mariyo, ugana doodaan maalmaha soo socda.
Raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed, xilli uu la hadlay warbaahinta waxaa uu sheegay in xukuumadisa uu ku soo dhisidoono muddo kooban oo aan sidaasi uga badneyn 10-ka cisho ee soo socota, isagoo xusay ay ka ballaaran doonto tii isaga ka horeysay,isagoo xusay inuu bilaabayo la tashiyo arrintaasi ku aadan kuwaas oo uu la yeelandoono xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.