Shariif Sh. Axmed Oo Si Rasmi Ah Ugu Wareejiyay Xilka Madaxtinimada Prof. Xasan

xeydar September 16, 2012 Comments Off
Shariif Sh. Axmed Oo Si Rasmi Ah Ugu Wareejiyay Xilka Madaxtinimada Prof. Xasan

 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo hadalo kooban ka jeediyay madasha xafladda xil wareegta ah ayaa sheegay inay farxad weyn u tahay inuu xilka si rasmi ah ugu wareegiyo maanta madaxweynaah cusub ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sidoo kale in laga gudbo kumeel gaarnimada, loona tallaabo dowlad rasmi ah taasi oo dalka horumar weyn u horseedi karta.

Shariif Sheekh Axmed ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu yeeray inay la shaqeeyaan dowladda cusub ee uu hoggaaminayo Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo xusay in mar walba loo baahan yahay si wadajr ah loo shaqeeyo si loo dhammeystiro howlaha harsan.

“ Shacabka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahayn inay si buuxda ula shaqeeyaan dowladda cusub, waayo haddii aan si wadajir ah loo shaqeyn aan la dhammeystirka howlaha dhiman” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayay munaasabadda xil wareejinta madaxweynaha cusub.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa hambalyo u diray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasi oo uu sheegay in la’aantood lagu qaban laheyn Muqdisho xaflad ballaaran oo loogu caleema saarayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay inay ka hor yimaadaan dowladda la dhisayo, taasi oo la doonayo inay dalka si wanaasgan u hoggaamiso muddada Afarta sano ee soo socota, shacabka looga baahanyahay inay garab istaagaan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa hoggaanka dalka hayay muddo saddex sano iyo bar, iyadoona maanta si rasmi ah ugu wareejiyay madaxweynaha cusub dhammaan dukumintiyadii uu ku howlgeli jiray.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.