Ra’isul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo wareysigiisii ugu horeeyay siiyey idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay kalsoonidii ay shalay siiyeen xildhibaanada Baarlamaanku, isagoo sheegay in sharaf iyo magacweyni ay u tahay inuu noqdo Ra’isul waasaraha Soomaaliya.
C/weli Sheekh wuxuu sheegay sidoo kale inuu garanayo culeyska ay leedahay howsha loo dhiibay, balse uu Alle ka baryayo inuu garab ku siiyo gudashadeeda, sidoo kalena uu madaxweynaha, Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed uu ka dalbanayo inay garab ku siiyaan gudasha howshaasi culus ee loo dhiibay.
Su’aal aheyd maadamaa howsha hortaala hadda ay tahay soo xulidda golihiisa wasiirada iyo inta tiro ee ay noqonayaan? ayuu uga jawaabay in tan iyo markii la magacabay uu arrintan wadatashiyo kala lahaa xildhibaanada Baarlamaanka iyo odayaasha dhaqanka, dhawaan ama maalmaha soo scdana go’aan laga gaari doono, balse uusan hadda sheegi karin tirada ay noqonayaan.
“Waxaan doonayaa inaan soo gabagabeeyo maanta ama berri wadatashiyo iigu laaban odayaasha dhaqanka, markaas ayaana sheegi karaa wasiiradu tirada ay noqon doonaan, Waxaanna rajeynayaa in soo magacaabiddooda aan ku soo gaba-gabeeyo muddo 10 maalmood gudahood ah” ayuu yiri Ra’isul wasaare C/weli Sheekh Axmed.
Mar kale ayaa la weydiiyey su’aal kale oo ahayd in golihiisa wasiiradu ay ka tiro badan doonaan kuwii hore iyo inay la mid noqon doonaan? wuxuuna sheegay inay ka badan doonaan, balse uusan hadda ku dhawaaqi karin tirada golaha uu soo magacaabayo, xubnihii golihii hore ee wasiirada maka mid noqon doonaan golaha cusub ee aad soo dhisayso, mise xubno cusub ayaad keensan doontaa ayaa mar kale la weydiiyay Ra’isul wasaaraha isagoo kaga jawaabaya su’aashaasina waxa uu yiri “Weli wadatashi ayay arrintaas ku jirtaa, laakiinse ma filayo inay jirto cid si gaar ah uga xaniban inay golaha wasiirrada ka mid noqoto, qofka doonaya inuu ka mid noqdo golaha wasiirada waa inuu noqdaa qof karti wax-qabad leh oo danta dalka iyo dadka ka shaqeyn kara, anigu maalmahan waxaan xoogga saarayay dajinta ajandaha guud ee xukuumadda si aan u horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya, balse hadda ayaan u gacan-banaanaaday in aan ka firkiro xubnaha xukuumaddeyda ka mid noqon doona”.
Ugu dambeyn mar la weydiiyey qorshihiisa siyaasadeed ee uu doonayo inuu dalka ku hago ayaa wuxuu sheegay in mudnaanta koowaad ay siinayaan sugidda amniga iyo xasilinta dalka, in gacanta dowladda lagu soo celiyo dhulka ay ka taliso Al-shabaab. Waxaa kaloo ka mid ah howlaha i horyaalla inaan dhameystirno dastuurka KMG ah, inaan hirgelinno dastuurka iyo inaan dalka gaarsiinno doorasho xor ah sannadka 2016-ka.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.