DAGAAL KA DHACAY DEGMADA AFGOOYE

xeydar December 22, 2013 Comments Off
DAGAAL KA DHACAY DEGMADA AFGOOYE

Barqanimadii maanta aya waxa uu dagaal ka dhacay Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeelaha Hoose kaa oo u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowlada Soomaaliya. 

Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowlada soomaaliya kuwaas oo isku qabsaday gacan ku heynta isbaaro taala degmada Afgooye sida uu shegay Gudoomiyaha Degmadaasi Cabdulaahi Cabdi Axmed.

Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Afgooye Cabdulaahi Cabdi Axmed Waxa uu sheegay iney jiraan dad badan oo ku dhintay kuna dhaawacmay dagaalkasi.

Rasaasta ay isweedaarsanaayeen Ciidamadaan ka wada tirsan Dowlada Soomaaliya aya waxay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah kuwaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo isbitaalka Degmada Afgooye

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.