Guddoomiyaha degmada Marka Maxamed Cismaan Yariisow ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay heshiis xabad joojin kala dhex dhigto beelihii ku dagaalamay deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose, Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in gogol nabadeed ugu qabanayo degmada Marka labada beelood ee dagaalamay, hadii la gaaro xabad joojin, isagoo tilmaamay in dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay deegaanada gobolka ay sababeen qasaare aad u ballaaran oo isugu jira naf iyo maal.
“Waxaa dowladda Soomaaliya ka codsanayaa inay beelaha dagaalamay inay heshiis kala dhex dhigto, xataa ka maamul ahaan waxaa diyaar u nahay inaan gogol nabadeed u dhigno labada beelood” ayuu yiri Guddoomiye Yariisow, inkastoo labadii maalmood ee u dambeeyay ay degenaansho ka jirtay deegaanadii lagu dagaalamay, hadana waxaa jirta cabsi laga qabo in mar kale labada beelood ay wada dagaalameen.
Al-Shabaab ayaa dhowaan sheegtay in odayaasha labada beel ee dagaalamay kulan ugu qabatay degmada Buulo Mareer, kaasoo ay heshiis xabad joojin kala dhex dhigtay, wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa dhowaan sheegtay in ciidamo iyo waxgarad u direyso deegaanada lagu dagaalamay, si ay u kala dhex galaan beelihii dagaalamay, dagaal beeleedyo soo noq noqday ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxay ka dhacayeen deegaano ka tirsan Gobolada dalka, sida Shabeelooyinka iyo Hiiraan.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.