Wareegtadaan uu Saaray Gudomiyaha Gobalka Banaadir ahna duq maqaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxa lagu shegay in maamulka gobolka Banaadir uu mamnuucay in dhul sharciyaysan aan la dulsaari Karin naqshad cusub, misane aan la gadan karin.
Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan aya saxaafada u aqriyay wareegtadaasi waxa uuna sheegay in maamulka uu gebi ahaanba digniin ka soo saaray dhulalka sharciyaysan ee laga been abuuranayo.
“Maamulka Gobolka waxa uu talaabo adag ka qaadi doono cidii lagu helo iyada oo dhul sharciyaysan dul saaraysa naqshad cusub oo been abuur ah, iyadoo farsamayaqaankii badala naqshadihii hore ee dhulalka lagu xukumi doono lix bilood oo xarig ah iyo shaqsigii lagu arka isaga oo sheeganaya dhul uusan lahayn lagu Xukumi doono hal sano oo xarig ah iyo lacag dhan $10,000 oo ganaax ah” ayuu afhayeenka Maamulka Gobolka hadalkiisa ku daray.”
Wareegtadaan ka soo baxday guddomiyaha gobalka banaadir maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxay ku so beegmeysaa xilli ay so kordheyso dadka isku heysto dhulalka iyo dhismaha ku yaalla qeybo ka mid ah Gobolka Banaadir.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.