Magaalada Zürich ee Wadanka Switzerland ayaa lagu qabtay kulan balaaran oo looga hadlayey sidii dowladda Switzerland ay gacan uga geysan laheyd Horumarinta Dalka Soomaaliya.
Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen oo isku soo dubarriday Ururka Rajo: Integration, Peace & Development for Somalia, Ururka IFOR iyo Ururro kale oo u dhaqdhaqaaqa Jaaliyadda dalkan Switzerland.
Waxaana looga hadlay Waxqabdkii Ururka Rajo IP&DFS, balse ugu horreyntii waxaa kulankaas furay Guddoomiyaha Ururka Rajo Mudane Abuukar Mudey Cabid Cigaal, kadibna waxaa halkaas Warbixintii Ururka Rajo ka soo jeediyey Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Rajo, waxaana la soo bandhigay howlihii ay soo qabatay Rajo muddadii ay jirta iyo waxyaabihii u qabsoomi-weysay.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay Mas’uuliyiinta Ururrada Jaaliyadaha Soomaalida ee Gobolada Switzerland iyo marti sharaf kale oo Urururka Rajo ka soo marti qaaday Wadamada Norway, Sweden, Holland iyo Britain .
Waxaa kaloo kulankaas warbixinno ka soo jeediyey ka qayb galayaashii gudaha iyo dibadda wadanka Switzerland ka kala yimid, waxayna ka warrameen Xaaladda Ururkooda iyo waxqabkooda, balsee waxaa cajiib ahayd sida ay ula dhaceen wax-qabadka Urur Rajo, waxayna u soo jeediyeen ammaan, iyagoo ku tilmaamay howshii ay qabatay Rajo inay mudan tahay ku dayasho.
Maalintii labaad ayaa ka qayb galayaasha Kulanka joogtay waxay si aad ah uga hadleen arrintii ugu muhimsaneed ee shirka kulankan loo qabtay oo ahayd Codsi ka soo yeeray Dowladda Switzerland ee ujeedadiisu ahayd in soomaalida ay ka soo tala bixiso, baahida horumarinayd ee ka jirto gudaha dalka Soomaaliya.
Codsiga ka soo yeeray Dowladda Switzerland ayaa wuxuu la xiriiraa Barnaamijkii HIGSIGA ee dib u dhiska Soomaaliya, sidaas darteed wadahadal gorfeyn iyo dood dheer kadib, waxaa la soo saaray waxyaabo badan oo waxtar u leh Bulshada Soomaaliyeed, waxaana ka mid ahaa:
1 – Si loo helo degganaansho iyo xasiloonaan waxaa loo baahan yahay in dadka Reer guuraaga ah lagu deegaameeyo goobo ku fiican daaqa xoolahooda, kana heli karaan Biyo ku filan (Biyo iyo Baad).
2 – In dib u dejin loo sameeyo dadkii ka soo barakacay deegaanadooda iyadoo lagu gacan siinaya sidii loogu deegaamayn lahaa goobihii ay ka soo barakaceen, iyadoo la xaqab tirayo baahidooda nololeyd,
3 – in dadka ku dhaqan Tuulooyinka loo sameeyo nolol ku salaysan baahidooda, sida helitaanka Ceel-biyood, Iskuul, Waxbarashada iyo Caafimaad,
4 – In dalka laga hirgeliyo mashaariicda horumarineed sida Tamar-dhalinta, Kaluumeysiga, Ganacsiga iyo Warshada Fudud.
5 – In Bulshada qaybaheeda kala duwan lagu wacyi geliyo Jeceelka Dalka iyo Wadaninnida, si loo heelo dad ku faana Haybtooda-
6 – Maadaama la leeyahay in bulshada Soomaaliyeed ay rabaan inay ku dhaqmaan Mabdaà Federalismaha, ayaa waxaa lagama maarmaan ah inay bulshadu barato waxyaahaha ay umadi ku wada dhaqmi karto,
Sida la wada ogsoon yahay Ururka Rajo wuxuu muddo lix Sano ah uu ka waday sidii ay isugu keeni lahayd Soomaalida u soo qaxday Waddan Switzerland, iyagoo loo sameeyey Seminaaro la xiriira sababaha keena Isku dhacyada iyo sidoo loo xallin lahaa.
Seminaaradan ayaa loo qabtay Jaaliyadaha ku dhan 16 Kanton ee dalkan Switzerland, kuwaas oo gartay ama ay ogaadeen in dhacdooyinkii dagaalka Sokeeye uu ahaa mid bilaa micno, kaas oo ay ku hoobteen dad aan waxba galabsan-
Si kasta ha ahaatee Ururka Rajo Integration, Peace & Development waxaa guul u ah in Soomaali badan ay barta sida loo xallin kara Isku-dhacyadii dagaalka Sokeeye iyo dhibaatooyinkii uu keenay.
Ugu danbeyn warbixintii iyo talooyinkii ka soo baxay Kulankaas waxaa loo gudbin doonaa Hay’adda dalkan Switzerland uga qaabilsan Horumarinta iyo wax wada qabsiga (DEZA).
http://jiinwabi.net/
Comments are closed.