Jeddah, Trident Hotel: Xaflad balaaran oo lagu taageerayo Ra’iisul wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Cabduweli Sheekh Axmed ayaa xalay ka dhacday hudheelka weyn ee Tirdent ee magaalada Jeddah, iyadoo ay xafladda soo qaban qaabiyeen Qunsuliyadda Soomaliya ee magaalada Jeddah, isla markaana ay kasoo qeyb galeen dhamaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaaladatan Jeddah.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Jeddah ayaan u kala harin xaflada, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Ganacsato, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Hooyooyin, Bahda Isboortiga, iyo Fanaaniin ayaa lagu bilaabay aayadaha Quraanka Kariimka oo uu aqriyay Sheekh Cabduraxmaan Abanuur “Abuuyoow”, kadibna uu halkaasi erayo bogaadin iyo Hambalyo iyo soo dhaweyn isugu jiray uu ka jeediyay sii hayaha Qunsuliyada Guud ee Soomaaliya ay ku lee dahay magaalada Jeddah mudane Daahir Axmed Wehliye.
Wehliye ayaa mahad balaaran u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidoo kale soo dhaweeyay magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub mudane Cabduweli Sheekh Axmed, wuxuuna ugu baaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka inay 100% u codeeyaan siiyaanna kalsooni buuxda ra’iisul wasaaraha.
Markaa ka dib waxaa halkaasi ka hadlay mudane Cali Ismaaciil Guraase oo sidoo kale muujiyay kalsoonida jaaliyadda Jeddah ay ku qabto ra’iisul wasaaraha cusub, wuxuuna ka tacsiyadeeyay dhakhaatiirtii lagu dilay duleedka Magaalada Muqdisho, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay dhowraan amaanka dadka usoo gurmaday, Waxaa sidoo kale ka hadlay halkaasi Maxamed Cali Caable, Maxamed Cabdi Xamiid, Maxamed Makaawi, Farxiyo Garabeey oo dhamaantood muujiyay taageerada ay u hayaan ra’iisul wasaaraha iyo xukuumada uu soo dooran doono, waxayna ku guubaabiyeen inuu Cadaalad la yimaado cidii kasoo horjeesata Cadaaladana uusan dheg jalaq u siin, waxay cadeeyeen in Cadaaladu ay tahay boogta laga haysto Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay gudoomiyaha gudiga Isboortiga magaalada Jeddah mudane Maxamed X. Axmed “danab”, iyo gudoomiyaha gudiga fulinta iyo xulka qaranka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jeddah mudane: Axmed Sheekh Mukhtaar “Axmadeey”, sidoo kale waxaa hadalo iyana qiimo iyo qaayo leh ka jeediyay goobtaasi isagoo ku hadlayey magaca ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Jeddah Cabi Cusmaan Sheekh, iyo xildhibaano iyo xildhibaano hore uga tirsanaan jiray baarlamaankii dalka Soomaaliya.
Intii ay xafladda Socotay waxaa khadka taleefanka farxadii kula qeybsaday Ra’iisul wasaaraha cusub mudane Cabduweli Sheekh Axmed oo uga mahadceliyay dadweynihii isugu yimid goobta ee taageerada u hayey, wuxuuna ka codsaday in loo soo duceeyo.
Xaflada waxaa madadaaliyay Fanaaniin Soomaaliyeed oo uu ugu horeeyo Alfanaan Mustafa Sheekh Aadan, iyo Awees Gulaangul oo heeso cusub kusoo bandhigay xafladda, sidoo kale waxaa halkaasi bandhig faneen kusoo bandhigay kooxda Barbaarta gaashaaman.
Dadweynihii halkaasi ka hadlay dhamaantood waxay muujiyeen kalsoonida iyo taageerada hagar la’aanta ah ee ay u hayaan ra’iisul wasaare Cabduweli Sheekh Axmed, waxayna sheegeen inay Hiil iyo Hooba la garab taagan yihiin.
Waxaa diyaariyey:
Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir ‘diyeeshe’
diyeeshe@hotmail.com
Comments are closed.