Dhaqaatiir Suuriyaan iyo kuwo Soomaali ah oo lagu laayey deegaanka Siinka-dheer ee duleedka Muqdisho

xeydar December 18, 2013 Comments Off
Dhaqaatiir Suuriyaan iyo kuwo Soomaali ah oo lagu laayey deegaanka Siinka-dheer ee duleedka Muqdisho

 War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Dhaqaatiir Ajnabi iyo Soomaali lagu dilay deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho, ka dib markii dabley hubeysan ay wadada u galeen.
Sida ay sheegayaan wararka weerarkan ayaa waxaa ku dhintay ilaa afar dhaqtar oo saddex ka mid ah ay ahaayeen Suuriyaan, halka midka kalena uu ahaa Soomaali, kuwaasoo ka howl galayay Isbitaalka Fiqi ee ku yaal deegaanka Siinka Dheer.
Goob joogayaal ayaa sheegay in saddex dhaqtar oo Suuriyaan ah ay ku dhinteen weerarka, halka mid kalena uu baxsaday, waxaana ku jira dadka dhintay darawalka gaariga oo Soomaali ahaa.
Dableyda hubeysan ee jidka u gashay ayaa rasasa ooda uga qaaday gaariga oo ka yimid dhinaca Muqdisho, kuna sii jeeday Isbitaalka Fiqi ee ku yaal deegaanka Siinka Dheer.
Wararka ayaa sheegaya in dableyda hubeysan ee weerartay dhaqaatiirtan ay xirnaayeen dareyska ciidamada dowladda.
Dableyda weerarka ka dambeysay ayaa baxsaday, iyadoo aan la garan heybtooda, ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray goobta wax ka dhaceen.

 

Comments are closed.