Munaasabad ay xilalka ku kala waregayeen Taliyihii hore ee ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo kan cusub ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirada difaaca dalalka Soomaaliya iyo Brundi, Saraakiisha AMISOM qeybahooda kala duwan, madax ka socotay Midowga Yurub, Safiiro iyo marti sharaf kale ayaa maanta lagu qabtay xarunta xalane ee magaaladda Muqdisho.
Taliyihii hore ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM Jeneraal Andrew Gutti ayaa ugu horeyn goobta ka hadlay waxa uuna sheegay in mudada uu xilka hayay waxyaabo badan ay ka qabten arrimaha amniga dalka islamarkaana gaba gabo uu marayo howlgalka lagu cirib tirayo kooxaha argagaxisada ah ee Al shabaab ee ku dhuumaaleysanayay deegaano yar oo ka tirsan gobollada dalka.
Taliyaha cusub ee ciidanka Amisom ee maanta xilka la wareegay Jeneraal Silas Ntigurirwa ayaa u mahadceliyay Taliyihii hore iyo howsha uu ka qabtay nabad kusoo celinta dalka, isagoo xusay in dhankiisa uu halkaasi ka sii wadi doono si loo soo afjaro howlgalka ka dhanka ah Ururka Al shabaab.
Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Salax Annadif ayaa ku ammaanay Taliyhii hore ee ciidamda AMISOM howshii uu hayay, isagoo taliyaha cusub ku booriyay in uu sii dar dar geliyo howsha AMISOM ay Soomaaliya ka heyso, ayna la shaqeeyaan saraakiisha kale ee ciidamada AMISOM ka tirsan.
Wakiilka Xogahayha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Neckolas Kay oo isna kulanka qudbad ka jeediyay ayaa sheegay in howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya uu u horseeday dalka in wadadii nabada uu cagta saaro, loona baahanyahay in la sii labo jibaaro howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Ugu dambeyn sii hayaha xilka Wasiirka Difaaca Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo gabagabada Munaasabada ka hadlay ayaa u mahad celiyay ciidamada AMISOM howsha ay ka hayaan dalka, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed iyo dowladuba ay abaal weyn u hayaan gurmadka ciidamada AMISOM ay ka geystaan dalka.
Waa Taliyihii afaraad ee loo magacaabo howlgalka AMISOM tan iyo markii ay dalka yimaadeen ciidamada AMISOM sanadkii 2007, waxaana taliyahan cusub uu noqonayaa kii ugu horeeyay oo u dhashay dalka Burundi oo qabta xilka AMISOM ee Soomaaliya.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.