Wasaarada arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ay ka hadashay dagaalada culus ee Gobalka Shabeelaha hoose iyo Gobalka Hiiraan ku dhexmaraya beelo halkaasi wada daga.
Dagaaladaan oo aysan Dowladda Soomaaliya ka qaadan joojintooda door wanaagsan ayaa Wasaarada arimaha gudaha, hada waxa ay ku baaqeysaa in la joojiyo dagaaladaasi.
Agaasimaha guud ee Wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya Cali Abtidoon Xalane oo la hadlay Raadiyaha Dowladda, ayaa wuxuu ugu baaqay beelaha ku dagaalamaya Hiiraan iyo Shabeelaha hoose inay si deg deg ah ku joojiyaan dagaalada.
Xildhibaanada iyo Odayaasha dhaqanka beelaha dagaalamay ayaa wuxuu ugu baaqay inay si deg deg ah ku joojiyaan dagaalada oo ay ka qeyb qaataan xasilinta deeganadaasi.
Dowladda Xasan Sheekh ayaa ku fashilantay inay wax ka qabato dagaal beeleedyada ka dhacay Gobalada Shabeelaha hoose, Shabeelaha dhexe, iyo Gobalka Hiiraan.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.