Waxaa goordhaweyd Magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaacil Cumar Geele iyo wafdi uu hogaaminaayo.
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa waxaa soo dhaweeyay cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda Jabuuti ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha dalka jabuuti ayaa ujeedada uu maanta Magaalada Muqdisho usoo gaaray waxa ay tahay ka qeybgalka Xaflada maanta lagu caleemo saarayo Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa wuxu qeyb ka yahay wafuud heer caalami ah oo maanta kusoo qulqulaya Magaalada Muqdisho kuwaasi oo dhamaantood doonaya ka qeybgalka caleema saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.