Xaalad daganaansho ayaa laga dareemayaa deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose, halkaasi oo maalmahan ay ku dagaalamayeen labo beelood oo wada daga halkaasi.
Dadka deeganada Janaale, Ceelwareegoow Iyo Busleey ayaa soo sheegaya in hada xaalada ay tahay mid degan, balse suuragal ay tahay inay wax waliba dhacaan, maadaama dhinacyada dagaalamay weli aan loo kala dabqaadin.
Saaka ayaa dagaalo goos-goos ah waxa ay ka dhaceen deegaanka Busleey ee Gobalka Shabeelaha hoose, halkaasi lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.
Dhinacyada Gobalka ku dagaalamaya oo labo beelood ah oo qaarkood warbaahinada si gooni-gooni ula hadlay ayaa qolaba qolada kale waxa ay ku eedeynayaan masuuliyada dagaalkaasi.
Dowladda Soomaaliya weli ma aysan qaadan tallaabo cad oo muujinaysa sida ay dagaalkaasi uga xuntahay, iyadoo Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya ay arintani ka gaabisay.
Labadaan beelood ayaa dhowrmar ku dagaalamay deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose oo ay kamid tahay deegaanak No.50 halkaasi oo ay tageen wafdi wasiiro ah lana soo xaliyay dhibtii ka jirtay, balse markale ay arinta dib kasoo cusboonaatay.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.