Iyaddoo ay sanadahan danbe si aad ah ay ugu soo qul qullayaan wadanka Soomaaliya Gaar ahaan Caasimadda Muqdisho dadka qurbaawiga ah ee loo yaqaano (DIASPORA) kuwaas oo muddo dheer ka maqnaa wadanka oo qaar kood aanba ku dhallan Soomaaliya iyagoo ku hadla Soomaali gaja gaja ah.
Hadaba waxaa waayahan danbe si aad ah usoo badanaya isku dhacyadda dadka DIASPORADA loo yaqaano & dadkii hore u joogay magaalladda, sababaha ugu badan ee kalifta isku dhacoodda ayaa waxa uu yahay in dadka hore u joogay ay iyagu aaminsan yihiin in ay dadkan Diasporada ah kaga xaq leeyhihiin wadanka, oo dadka qurbaha ka yimid u haysta dadka ka maqnaa xiliyaddii dagaallada oo ay dhibaatadda ka carareen oo markii bugta joogsatay jees jees u yimaaddeen.
Markii aad baararka waaweyn ee lagu qaxweeyo fariisato waxaad arkaysaa in si gaar ah ay isku aruursadaan dadka Diasporada ah iyagoo iska gaar yeelaya wiilasha ciyaalka xaafada oo horey usoo joogay wadanka, inta badan sheekooyinkoodda waa ay kala duwan yihiin, waxaa jirta in dadkii xamar horey u joogay ay inta badan ka sheekaystaan 22kii sano wixii horey u dhici jiray intii xaaladdu ay qatarta aheyd ayna soo goc gocdaan iyagoo si aad ah ugu faraxsan xasiloonidda iminka ay haystaan sheekooyinka Xamar jooga inta badan waxaa ka mid ah tusaalle ahaan “meeshaan aan fadhino maanta dhowr sano ka hor waxay aheyd meel furin ah oo dadka lagu xasuuqi jiray……, meeshaan maxaa madfac hawaaw ah kusoo dhacay………, meeshaan maxaa meydad laga qaaday……., meshaas hada ka hor 10 qof ayaa halmar laga wada qaaday iyagoo dhimasho & dhaawaca ah….. IMW”
Dhanka kale kuwa diasporada iyagana waxa ay leeyihiin “weather Maanta macaan waaye Mogadishu,… College ka sanadkii igu danbaysay ismalahayn Xamar ayaad ku laaban doontaa,……… lacagtii cayrta wali account ka ayey iiga xayiran tahay,…….. sanadka danbe marka aan laabto agency cusub ayaan heshiis lasoo galayaa wadanka qaniga ah ayaan wakiil ugu noqonayaa……, dadka xamar jooga waa dad aan caqli la hayn dhalinyaraddoodda ma yaqaanaan sida project loo sameysto Tahriib ayey maanka ku hayaan markasta…..IWM” iyagoo inta badan ku hadla luuqaddo afka qallaad ah oo ay isku garanayaan.
Waxyaabaha kale ee ay sida aad ka ah isugu dhibsadeen waxaa ka mid ah in dadka DIASPORADDA ah & kuwa xamar jooga in meellaha sharciyadda lagu maro sida wadooyinka meelaha lagu kulmo sida shirkaddaha, tusaalle ahaan Wadooyinka waxa ay yaqanaan Diasporadda in ay illaalilaayn sharciga balse inta badan waxa ay isku dhacaan Taraafikadda waayo taraafikadda waxaa laga yaabaa in ay is af garan waayaan oo marka leesan uu soo bixiyo ka dib ka sugaa waxa ay u bixiyeen kuwa taraafikadda Qorax joog, balse uu garan waayaa ninka ama naagta diasporada qorax jooga oo sidaana wax been been ah lagu daahiyaa in mudo ah.
Dhanka kale ciyaalka xaafada waxaa u fududaata in ay wadada ku maraan si caadi ah waayo Qoraxa jooga ayey iska hor mariyaan ka dibna si toos ah loo sii daayaa,
Marka aad u kuur gasho arintaan waa arin musuq maasuq ah oo iska cad, waxaana u wacan in wiilasha Xamar aysanba aqoon in qalad ay sameeynayaan, waxaana u wacan iyagoo horey usoo arag wax sharci oo sax ah, Waxaana ayaan daro ah in aysan jirin cid ku baraarugsan oo si cad wax uga qabata arintan foosha xun.
sidoo kale waxaa jirta in marka shirkaddaha waaweyn ay gallaan Dadka Diasporada ah ay gallaan waxa ay u yaqaanaan KIYU ama (saf) iyagoo illaalinaya Sida sharciga ah, oo ah sida loo soo kala horeeyay, balse waxaa dhacda in wiil ciyaalka xaafada ah oo hada yimid uusanba saf galin oo saaxiibkiisa meesha jooga madaxa kala hadla sidaana loogu fududeeyo wixii addeeg ahaa ee uu u baahnaa iyadoo laga yaabo in asxaab badan oo ka soo horeysay taagan yihiin, ka dibna kii safka ku jiray ee Diasporada xanaaq bistiisa noqdaa.
Dadkan loo yaqaano Diasporada waa dad aad u nabad jecel oo si aad ah u illaaliya dhaqanka, baratikolka/dishibillinka, iskana illaaliya nadaamka Dalka xushmeeyana wixii sharci ah sida ay kusoo barteen wadamadii ay ka yimaaddeen oo nadaamka kala danbeynta si aan eex ku jirin loo illaaliyo.
Dhanka kale waxaa jirta wiilal aad u yar yar oo ka mid ah kuwa Diasporada oo haysta dhaqamadda meelihii ay ka yimaaddeen oo iyagana si aad ah ugu dhib qaba dadka xamar horey u joogay, wiilashan yar yare ee Diasporadda ah waxa ay sameeyaan gaariga ayey xoog u wadaan iyagoo music aad u qaylo dheer daarta, dhanka kale timaha,dharka & qaab kooduba waa qaab aan caadi aheyn inta badan marka ay meelaha laga qaxweeyo tagaan waa laga cuudi billeestaa kuwaan inta badan soomaaliga maba ku hadlaan waxaana la socdo oo si turjumaan camal ah kuwa la qaraabo ah oo ka waaweyn oo Soomaaliga ja jabsada waxa ayna ka illaaliyaan in ay dadka isku dhacaan, markii ay kaligooda soo baxaana waxaa dhacda in ay dagaal gallaan inta badan.
Isku soo wada Duuboo waxaa la dhihi karaa Soomaalidii hore waxaa u yimid Soomaali Cusub, oo wixii hore loo dhihi jiray Soomaali waa isku dhaqan haatan xaalka waxaa uu u muuqdaa kala dhaqan, guntii & gaba gabadii ISKU DARANAA DIYEESBARADDA IYO DADKA CAADIGA AH.!
W/D Asad Abukar Ali (Asad Dhayow)
Mogadishu Somalia
Email asaddhayow@gmail.com
Skype asad-dhayow
Comments are closed.