Ciidanka dowladda oo loo diray si ay u joojiyaan dagaalka Shabeellaha Dhexe

xeydar December 14, 2013 Comments Off
Ciidanka dowladda oo loo diray si ay u joojiyaan dagaalka Shabeellaha Dhexe

Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa loo diray inay joojiyaan dagaal beeleed in dhowaaleba ka socday qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Dowladda ayaa ciidamo geysay deegaannada Keliga-Goomey iyo Saabuun oo hoos-taga degmada Jowhar ee xarunta gobolka, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka.
Mas’uuliyiinta ma aanay sheegin tirada ciidanka la geeyay goobahaas ama muddada ay deegannadaasi ku sugnaan doonaan.
Labo beelood ayaa ku dagaallamaya deegaanno bariga uga beegan magaalada Jowhar, kuwaas oo isku haya lahaanshaha dhul beereed.
Maalmo ka hor ayaa la is ku dayayay in lagu guuleysto in xabbad joojin la kala dhex dhigo beelaha dagaallamay.
in ka badan 3. 000 oo soo barakacay dagaalka ayaa wali loo helin qorshe dib loogu celinayo deegaannadii ay ka carareen.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com

http://jiinwabi.net/

00252 61 5507763
Mogadisho Somalia

Comments are closed.