Siddeed qof ayaa ku dhimatay, ku dhawaad toban kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleedyo maalintii labaad ka socda tuulooyin hoos-taga degmooyinka Marka iyo Aw-dheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Qaar ka tirsan waxgaradka deegaanka Aw-dheegle ayaa u xaqiijiyay Jiinwabi.net in dagaalka oo ka billowday tuulo lagu magacaabo Aybuutey uu ku fiday tuulooyinka Gumeysi-diid, Jannaale iyo kuwo kale oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalka ayaa salka ku haya dagaal beeleedyo horey gobolka Shabeellaha Hoose ugu dhex maray beelaha ay dirirtu u dhexeyso.
Ma jirto ilaa iyo hadda cid ku howlan joojinta dagaalka geystay khasaaraha ee maalintii labaad ka soconaya gobolka Shabeellaha Hoose.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.