Sii hayaha QUNSULIYADDA Soomaaliyeed ee JEDDAH oo u hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha Cusub‏

xeydar December 14, 2013 Comments Off
Sii hayaha QUNSULIYADDA Soomaaliyeed ee JEDDAH oo u hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha Cusub‏

Sii hayaha Qunsuliyadda guud ee Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Jeddah ee boqortooyada Sacuudiga Mudane: Daahir Axmed Wehliye ayaa soo dhoweeyay Raiisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Mudane Cabduweli Sheekh Axmed oo loo doortay in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Daahir ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Ra’iisul Wasaare loo doortay Shaqsi Aqoonyahan, isagoona Hambalyo u diray Ra’siisul Wasaaraha Cusub ee Somaaliya iyo guud ahaan Shacbka Soomaaliyeed.
Mudane Daahir ayaa sidoo kale amaan balaaran uujeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Prof. Xasan Sh. Maxmuud wuxuuna ku tilmaamay in uu yahay shaqsi wadani ah, ayna ka go’an tahay in dalka uu gaarsiiyo Nabad iyo hormar waarto, islamarkaana ay tahay talaabo wanaagsan oo horay loo qaaday, runtiina uu haleelay halka laga rabay.

“Anigoo marka hore ka faa’idaysanaayo fursadaan waxaa hambalyo udirayaa ra’iisul wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabduweli Sheekh Axmed, waxaan sidoo kale ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan inay usoo duceeyaan, oo garab istaagaan madaxdooda, niyadana u dhisaan, Baarlamaankana waxaa ka codsanaynaa in ay an sixiyaan ra’iisul wasaaraha si uu u sii wado howlaha horyaalo.”. ayuu yiri Daahir Axmed Wehliye oo ah sii hayaha Qunsuliyadda Guud ee Soomaaliya ay ku lee dahay magaalada Jeddah.

Mudane Daahir ayaa hadalkiisa sii raaciyay “Ra’iisul wasaaraha waxaan leenahay ummadda Soomaaliyeed waxay sugto waa adiga iyo xukuumadaada marka waxaan kaa sugno waa xukuumad tayo iyo karti leh, hana noqdaan wasiirada ama shaqaalaha dowlada aqoon yahano keeni karo isbadal lataaban karo.

Ugu dambeytii Mudane Daahir ayaa sheegay in xukuumada uu soo dhisi doono ra’iisul wasaaraha uu la garab taagnaan doono niyad wanaag, duco, wuxuuna u rajeeyay in Ilaah xilka culus ee loo dhiibay u fududeeyo.

Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir “diyeeshe”
diyeeshe@Hotmail.com
Jeddah – KSA -

Comments are closed.