Fanaanadda weyn ee caanka ah ee Maryan Mursal Ciise ayaa sheegtay in mid ka mid ah carruurteeda oo gabar ah ay ka qaateen Gaalo, balse waxay xustay inay si farsameysan gabadheeda uga soo ceshatay gaaladaas xilli ay qarka u saarneyd inay gebi ahaanba ay gabadheeda la wareegaan gaaladaas.
Maryan Mursal waxa ay sheegtay in sababta gabadheeda looga qaatay ay ugu weyn tahay dhaqan xumo iyadoo eedda dusha ka saartay waalidiinta oo ay sheegtay inay ilmahooda dayacaan.
“Daryeel la’aan iyo saaqidnimada waalidiinta ayaa keenta inay gaaladu qaataan carruurta ay dhaleen qoysaska Soomaalida, sidaa darteed waxaan ku boorinayaa waalidiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan ragga inay haweenkoodu caawiyaan si uu qoysku u dhismo” ayay tiri Maryan Mursal oo intaa sii daba dhigtay “Aabe la’aan qoysku ma dhismayo, ubadkuna tarbiyo fiican ma helayaan” ayay tiri maryan Mursal oo sheegtay in waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Gaalada ay ku dedaalaan wada jooga iyo inay ubadkooda isla barbaariyaan.
Ragga ayay ku canaanatay inay iska dhaafaan baryada xaasaskooda iyo inay cayr uun qaataan, waxayna ku boorisay inay shaqeystaan, xaasaskoodana ula dhaqmaan si waafaqsan shareecada Islaamka.
Waxa ay Maryan Mursal Ciise sheegtay in dhaqamada kala duwan ee dadka Soomaalida ay ku dhaqmaan aysan is keeneynin dhaqamada ka jira waddamada ay u soo qaxeen, waxayna ku celcelisay inay waalidiintu iska iloobaan dhaqan aan ka soconeyn waddamada ay u soo qexeen.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.