Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka baaqday safar uu maanta ku aadi lahaa dalka Kenya si uu uga qeyb galo dabaal dega 50-sano guuradii kasoo wareegatay markii Kenya ay Xurnimada qaadatay.
Madaxweynaha ayaa ku mashquulsan xulashada shaqsiga uu u dooran lahaa Wasiirka Koowaad ee dalka oo la filayay inuu galabta ku dhawaaqo.
Badalka Madaxweynaha waxaa Munaasabada 50 Sano guurada markii ay Kenya xurnimada qaadatay waxaa ka qeyb galaya gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia sida warar Soo baxaya ay sheegayaan.
Maxamed Sheeekh Cusmaan Jawaari, Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia ayaa Kenya u ambabaxay isaga oo matalaya madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Sida wararku ay sheegayaan.
Xasan sheekh Maxamuud Madaxweynaha Somalia waxaa laga sugayaa inuu soo magacaabo qofkii badali lahaa Sii hayaha xilka Ra’isul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid , oo dhowaan baarlamaaka Somalia ay kalsoonidii kala noqdeen.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.