.Wararkii ugu Dambeeyay oon ka helnay Xarunta Madaxtooyada eeVillaSoomaaliya ayaa sheegaya in lasoo gaba gabeeyay wadatashiyadii ku aadanaa Cida loo Magacaabayo Ra’izul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya.
Wararka aan helnay goordhaw ayaa xaqiijinaya in Miiska hada saaran yihiin kaliya labo Musharax oo la filayo in midkood saacadaha soo aadan loo Magacaaabo Ra’izul Wasaaraha inkastoo madaxweynaha uu durba labadaasi musharax kala xushay walina aan la ogeyn midka uu magaciisa shaacin doono.
Labada Musharax xiligan Miiska saaran ayaa kala ah C/waaxid Cilmi Goonjeex iyo Xuseen Cabdi Xalane oo labaduba Wasiiro kasoo noqday Dowladihii KMG ee Soomaaliya waxa ayna kasoo jeedaan Beesha Daarood gaar ahaan Jufooyinka Mareexaan iyo Ogaadeen.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaana la filayaa in saacadaha soo aadan uu si rasmi ah ugu dhawaaqo Ruuxa uu u soo xushay Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya waxaana adag in la saadaaliyo wali labada nin aan magacyadooda soo xusnay midka uu Madaxweynaha xushay.
La taliyayaasha Madaxweynaha ayaa labada dhinac ku kala dhagan oo Madaxweynaha kula talinaya in qolaba midka ay dooneyso uu soo Magacaabo lamana oga dhinaca ay taladooda socon doonto Madaxweynuhuna ku raaci doono.
Saadaalo hordhac ah oo laga bixiyay labadan Musharax midka la filayo in Madxaweynuhu ku dhawaaqo ayaa loo badinayaa in uu noqon doono C/waaxid Cilmi Goonjeex inkastoo ay wax badan is badali karaan saacadaha oo aadan.
Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Faarax Cabdu Qaadir oo ah nin inta badan taladiisa ka shaqeeso Madaxtooyada ayaa isagu olole xoogan ugu jira in Xuseen Cabdi Xalane loo Magacaabo Ra’zul Wasaaraha Soomaaliya waxaana suurto gal ah in rabitaankiisa shaqeyso oo Musharax uu wato la Magacaabo .
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa galinka dambe ee Maanta kusii jeeda MagaaladaNairobiee DalkaKenyahalkaas uu kaga qeyb galayo munaasabada Xuska Maalinta Xuriyada Dalka Kenya , waxaana la saadaalinayaa in Madaxweynaha kahor inta uusan bixin uu Magacaabo R/Wasaaraha Soomaaliya.
C/waaxid Cilmi Goonjeex Ayaa ah Nin Shaqsiyad wanaagsan oo In Mudda ah Kasoo Shaqeenayay Dalka Somaaliya Waxana Lagu Xasuustaa Xiligii uu ka shaqeenayay Bankiga Soomaaliya oo ahaa Nin ku Wanaagsan amaanada oo Dad Badan oo Amaano u hayay oo u Celiyay Xiligii ay dhacay Dowladii Kacaanka oo Hurmuudka u ahaa Allaha u Naxariistee Jeneraal Maxamed Siyaada Barre.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.