MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUD SIDEE AYUU U XUKUMI DOONAA SOOMAALIYA?!!!!

xeydar September 16, 2012 Comments Off
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUD SIDEE AYUU U XUKUMI DOONAA SOOMAALIYA?!!!!

Doorashadii Soomaaliya gudaheeda ka dhacday 10-kii September 2012-ka waxay aheyd doorasho muujisay inay Soomaalidu is maamuli karaan illaa iyo xad dalkoodana dib u hagaajisan karaan haddii waqti ku filan loo siiyo fursad taam ah oo ay ku saxaan qalaladaadkoodii hore ee aysan cid ku eedayn karin inay iyagu isku gaysteen si kastoo loo tixo darsino marmaarsiiyo ah oo sal looga dhigo asalka iyo sababaha dhibaatada Soomaaliya, Madaxweynaha la doortay oo in badan oo Soomaali iyo caalamkuba waxay isku raacsanyihiin inuu yahay aqoonyahan, cilmi baare iyo hogaamiye is bedel doon ah inuu sifooyinkaasi leeyahay Madaxweynuhu oo ah tilmaamo loogu baahanyahay dhisidda iyo dib u yagleelida Soomaaliyada cusub, balse aan cusbayne’e loo loogay in dib loo cusboonaysiiyo ka dib burbur siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo ku yimid muddooyinkii la soo dhaafay, haddaan ka hadlo Madaxweynaha Soomaaliya inta aan ka baranay qaayaha madaxdii hore ina soo martay sanadihii burburka iyo waqtiyadii ka horeeyay ka hor doorashada iyo ka dib doorashadda marwalba hadaladiisa iyo balan qaadyadiisa isma waafaqaan oo waxaa shaki kaa galaya markaad isku fiiriso hadaladiisa iyo balanqaayadiisii ka hor inta aan la dooran iyo ka dib sida uu dalka u xukamayo inay kuu soo baxeyso inuu hal qof warkan yiri ama in isbedel uu ku yimid oraahyadii iyo balanqaadyadii uu galay mudadii uu u cararayey inuu dadka mar un ay dhahaan Madaxweyne.

Nuxurka qoraalkeena aan u gudagalno oo aan ka hadalno sida uu dalka u xukumi doono Madaxweynaha cusub, bal aan fiirino intaan ka hadlin sida uu wax u xukumi doono iyo howlqabadkiisa 100-ka maamlood ee ugu horeeya xukunkiisa Soomaaliya, bal aan dib u dhugano sifaha iyo halka uu shaqo ahaan ka soo jeedo Madaxweynaha iyo dadka ku hareeraraysan oo lagu daro xubnaha uu u xulan doona ee ka socda Soomaalida inteeda kale oo noqon doona Ra’isul wasaaraha iyo golaha wasiiradiisa oo uu qeyb muhiim ku yeelan doono xulidooda iyo ansixintooda, labadaasi isku darkooda ama kimistirigooda ayaa waxaa loo baahanyahay in xoogga la saaro sida ay yihiin iyo qaababkii ay u soo shaqeeyeen iyo isku xirkooda howled intaba.

Madaxweynuhu waa aqoonyahan, cilim baare dalka inta badan joogay intii uu burburku jiray ama ka hor, balse ka shaqeynta xafiis dadweyne oo la wadaleeyahay khibraddiisa lama tijaabin, ka shaqeyntii UNICEF, dhismihii SIMAD iyo howsha CRD {Hay’adda Cilmi baarista iyo wada hadalka}, tan hore waa hay’ad caalami oo leh nidaamyadeeda shaqo iyo hanaan urur caalami sida uu u shaqeeyo saameyn weyna kuma laheyn kartida iyo maamulka mudanaha aan ka hadleyno waxqabadkiisa, waayo waxa uu ku shaqaynayey hanaan caalami ah oo leh nidaamyo iyo habab shaqo oo aan la dhaafi karin oo laga rabo inaan xafido oo laguu ilaalinayo oo meel keliya ka soo fuleysa, balse labadan shaqo ee dambe SIMAD iyo CRD waa shaqooyin u dhisan nidaam ay ragga iska leh milkiyadda iyo maamulkiisa shaqo ay u dhigteen xeerarka shaqo iyo qaababka maamul ay u doonayeen inay ku gaaraan hadafyadooda dhow iyo kuwooda fog ee ay hay’adahaasi lahaayeen, balse waa hay’addo aan dowli aheyn oo u dhisan nidaam NGO ah oo talada ay ku urursantahay, milkiilayaasha iyo aasasayaasha labadaasi hay’adaood oo wax badan kuma laha dadka ka shaqeynaya iyo dadka loogu adeegayo intaba.

Hadaladda iyo oraahyadda ku qoran warbixin qoraalkooda waa inay yihiin kuwo aan faa’iido doon aheyn balse faa’iido weyn laga sameeyo haddii xaqiiqda dhabta ku dhisan laga hadlo oo la fiiriyo sida iyo hababka ay maalgelinada ku helaan iyo sida ay wax u hirgelinayaan, kuma mashquulayno nidaamyadaasi iyo hababakooda hirgalin ee howlaha shaqadooda, balse waxaan ododros iyo faaqidaad u baahan sida ay wax u maamulayeen iyo sida ay isu waafaqayaan shaqada iyo howlaha nidaam NGO iyo nidaam xafiis dadweyne {Public office}, isla markii la doortay waxaan hareerahiisa ku aragnay Madaxweynaha inay ku soo xoomeen shaqsiyaadkii iyo howlwadeenadii ay soo wada shaqeeyeen, kuwo muuqda iyo asxaab daaha gadaashiisa ka shaqeynaysa oo aan is muujineyn oo mid waliba uu u haliilayo inuu boos ka xajisto boosaska ka banaan shaqada xafiiska Madaxweynaha min shaqaale hoose illaa heer wasiirnimo, safiir iyo qeybaha kala duwan ee hay’adaha dowladda ee balaaran ka koobantahay si uu fursadaha jira uga faa’iideystaan ha hilmaamin kaadiriirta xisbiga Madaxweynaha Xisbiga Nabadda iyo horumamarka {PDP} oo iyagana saameyntooda iyo doorkooda ku leh qoondadooda howlaha Madaxweynaha ee dalka ka fulin doono insha Allah, howlaha horyaala Madaxweynaha aan u kala qaadno sida soo socota oo aan saldhig uga dhigano muhiimadda ay mid waliba leedahay in loo qabto miisankeeda:-

Amniga iyo Nabadgelyada:- Sugidda amniga iyo adkeynta nabadgelyadda waa muhiimadda koobaad ee hogaanka cusub ee dowladda oo ah arrinta Soomaaliya ka reebtay faceeda ahna xalka dhabta ah ee dadka Soomaaliyeed u baahanyihiin inay helaan, inta kale ee nolosha waxay hoos imaaneyaan sugidda amniga oo ah hal-xiraalaha ugu weyn ee ka shaqeynta Soomaaliya waana ciladda lagu eedeeyo inaan laga shaqeyn karin dalkeena dagaalada kala googeeyeen, hogaamiyaha cusub waa inuu la yimaadaa istaraatiijiyad iyo hab shaqo oo xilli dhow iyo mid dheerba leh oo ku saabsan oo qorshe amni sugid iyo nabad adkeyn ah, isagoo kaashanaya hay’adaha amniga iyo garsoorka oo u baahan naftigooda in dib u habeyn xoogan lagu sameeyo si loo hubiyo amniga muwaadinka Soomaaliga ah iyo kan ajnabiga ee u yimaada ka shaqeynta dalka Soomaaliya.

Dhismaha hay’adaha aminga iyo cadaaladda:- In la hagaajiyo amni waxa uu u baahanyahay ciidan dishibiliin iyo tababar wacan qaba, hay’adda nabadsugidda iyo nidaam cadaaladeed oo garsoora dhibaatooyinka madaniga iyo dembiyada dhexmara dadweynaha loo adeegayo si cadaalasda loo sugo qofwlibana uu sharciga ka sareeyo iyo soo celinta iyo kala dambeynta dalka laga guul keeno si looga baxo fowdada iyo dhaqan xumadda maamul ee ina daashatay, ciidanka hadda jira waxay u baahanyihiin dib u habeyn iyo in xaquuqdooda la sugo sida mushaarada, daryeelka, caafimaadka aqoon kororsi si ay waajibaadkooda ay u gutaan, tankale ee cadaaladda waxay u baahantahay in nidaam cadaaladeed oo maxkamado iyo garsoorayal kala heerarsareeya la dhiso si loo fuliyo nidaamka cadaaladda dalka u baahanyahay, waana meelaha aan ka bugno oo ah hogaan xumo iyo cadaalad darro.

Dhismaha haykalka dowladnimo:- Habka dhismaha haykalka dowladimo iyo hay’adaha ay koobantahay waxay u baahantahay taxadar weyn iyo in la hagaajiyo sida ay iskugu xiranyihiin iyo jarajarada maamulka oo hay’ad waliba ay leedahay xad loo koobay oo ay ku shaqeyso oo aan loo ogoleyn gacan togaaleysiga ragaadiyey hay’adaha dowladda iyo madax waliba uu xero taraarayo oo uu isagu gar isla leeyhay markii muran xagga maamulka iyo awoodaha uu yimaadana aysan jirin maxkamad sare oo kala saarta oo aan hore u sheegnay inay dhismo iyo dib u habeyn u baahantahay, isku xirka iyo wada shaqeyntooda waxay dhammeystir u tahay in howlaha si caadi ah u kala socdaan oo laga maarmo khilaafka iyo tartanka xagga awoodda ee marwaliba dhexmara madaxda sare ee dowladda iyo golahooda wasiirada oo aafeysay hirgelinta howlaha dowladda loo igmaday inay qabato mudada 4-ta sano ee loo calaamadeeyay inay ku hirgeliso howlaheeda.

Dhisidda dhaqaalaha iyo adeegyada bulshadda:- Sugidda amniga iyo adkeynta nabadgelyada waxay keenaysaa in la abuuro furasado dhaqaale dhisid iyo dadka gudaha iyo kuwa caalamiga ay ku dhiiraadaan inay dalka maalgashadaan oo la helo fursado shaqo iyo dhisidda adeegyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka, garoomada diyaaradaha, biyaha iyo korontada iyo adeegyada tiknoolijiyaddacasriga ah sida adeegga Internet-ka, howlahaasi oo u baahan maalgelin gudaha iyo dibadda ah oo lagu fuliyo dhismaha nidaamka dhaqaale ee Soomaaliya yeelan doonto mustaqbalka waxay ku xirnaan doontaa sida ay golaha sharci dejinta ay u fududeeyaan ansixinta heshiisyada ay gasho Xukuumadda iyo saameynta nidaam isla xisaabtan oo ku aadan dib dhiska iyo maareynta dhaqaalaha dalka gudaha ka soo baxa iyo kan ay bixiyaan dalalka aan sxb-ka nahay ee deeqaha oo ay halka ay qurunsantahay nidaamka maaliyadeed oo xatooyo badan loo geystay waqtiyadii la soo dhaafay.

Dowlad wanaagga & dhowrista hantida guud:- Hufnaanta shaqo ee nidaamka dowlad wanaagga waa meelaha laga fiiriyo hab dhaqanka madaxda dowladda iyo hirgelinta nidaam dowladeed oo sal adag leh oo u adeega bulshada wakiilatay inay dalka ay hogaamiyaan madaxda hageysa nidaamka dowladda, dowlad wanaagga sida oraahda ay ka turjameyso waa in la hagaajiyo habka shaqo iyo nidaamka isku xirka iyadoo la dhowrayo sharciga iyo hanaanka shaqo ee haya’ad waliba oo dowladeed leedahay, iyadoo ixitiraam iyo qadarin ay ka dhaxeysa jaranjarada maamulka dowladda oo kala sareeya oo si joog u tax iyo jiif u tax u dhisan oo qaar aad simanyiihiin, kuwana ay kala sareeyaan, aqbalaad iyo ogolaansho uu siiyo awaamiirta iyo soo jeedimaha kaga imaanaya kuwa la siman iyo kuwa ka sareeya intaba, taasi ayaa ah muhiimadda koobaad oo badanaaba qofka Soomaaliga ah mid wax bartay iyo mid kaleba ay ka simanyihin inay sharciga iyo nidaamka shaqo dhowraan, si loogu adeego qaranka oo masaalixda caamka ah lagana hormariyo kuwa qaaska ah, waana sida lagu horumarin karo Soomaaliya oo nidaam dowladeed oo taam ah yeelata.

Shaqo abuuris & dhaqancelinta maleeshiyoonka hubeysan:- Soomaaliya dadka dhalinyarada ah waa kuwa saameynta ugu badan ay ku leedahay dhibaatada dalka ku dhacday oo iyaga xaabo u noqday dagaalada sokeeye oo ayna kala kulmeen dhimasho iyo dhaawac iyo iyadoo ku keentay shaqo iyo waxbarasho la’aan taas oo ku qasabtay inay badda ku dhammaadaan iyagoo tahriibaya si nolol cusub oo dhaanta tan dalkooda u raadsadaan, shaqo u abuurista iyo dhaqancelinta dhallinyarada iyo dadka kale ee shaqo doonka ah in haddii la rabo in la xaliyo mushkiladda heysta dalkan oo ah in la dhiso hay’ado ka shaqeeya waxbarashada, shaqaaleysiinta iyo fursad u abuurista dhalinyarada, iyadoo taasi ay keeni doonto inay ku mashquulaan fursadahaasi cusub oo loo abuuray qayb libaaxna ka qaadan doonta dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

Dib u heshinta iyo is dhexgalka bulshada:- Howlaha qabyada ah ee Soomaaliya waxa ka mid ah dib u heshiisin dhab ah in la dhexdhigo dadka Soomaaliyeed oo eedo iyo gabood fallo kala tirsanaya iyadoo la rabo in isa saamixid, is cafis qirasho la helo si loo dhayo boogaha ka dhashay colaadaha dalka aafeeyay, dib u heshisiintaasi waxay keenaysaa inay dhalato is dhexgal bulsho oo keenaysa dadku inay wadajir ugu wada shaqeeyaan dalkooda iyadoo keeni doonta midnimo qaran oo aan dalkana ku hagaajin karno dunidana aan uga daba tagi karno.

Xiriirka daalalka deriska iyo kan caalamiga ah:- Burburkii ku dhacay Soomaaliya waxa uu beylah ka dhigay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, iyadoo cadowgeedii uu ka faa’iideystay, gaar ahaan dowladaha deriska ah oo saameyn siyaasadeed iyo mid meleteriba ku yeeshay arrimaha gudaha Soomaaliya, taas oo wiiqday hanaan waliba oo isa sixid siyaasadeed oo dhexmari lahaa Soomaalida, isu soo dhawaansho lala yeesho deriska waa muhiimadda koobaad ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, iyadoo hogaanka cusub looga fadhiyo inuu keeno siyaasad dibadeed oo lagu soo jiidan karno dalalka deriska ah, xiriirka caalamiga ah ee dalalka aan deriska aheyn waxa uu noqon doona sida ay ula falgalaan hogaankan cusub iyo siyaasadda arrimaha dibadda oo laga doonayo inay si adag uga shaqeeyaan inay la hormariyo, xiriirkaasi caalamiga ah oo saldhig u ah dib u dhiska iyo horumarinta Soomaalideena dhinac walba ka burburtay, gunaanadkii bal waqti iyo saaxad aan siino hogaanka cusub si loo fahmo loona arko sida uu u maareeyo howlahan isku dhafan ee tixan ee u yaala hagaajinta maamul iyo horumarinta Soomaaliya.

Waxaa qoray:- Maxaxamuud Y. Culusow Email:- Mail: mychad@hotmail.com

Comments are closed.