Wasaaradda Horumarinta adeega buslahda ayaa maanta ilaa 30 dhalinyaro ah u dirtay dalka Uganda si ay uga qeyb qaataan tababar laxiriira hogaaminta wanaagsan iyo wadaniyadda kaa oo ay iska kaashadeen AMISOM iyo Wasaarada.
Tababarka ayaa waxa uu socon doonaa ilaa iyo 11ka bishaan kaasi oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen AMISOM iyo Maamulka Wasaaradda adeega bulshada, waxaana dhalinyaradu ay ku soo baranayaan wadaniyadda iyo hogaaminta wanagagsan, loogana baahanyahay in ay ka dhaqan geliyaan howshaasi gobollada ay ka kala yimaadeen.
Dhalinyaradan ayaa waxaa hogaaminaaya Agaasimaha Aagaasinka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Wasaaradda Adeega Bulshada Aweys Sheekh Xadaad iyo Sarkaal AMISOM u qaabilsan dhanka arrimaha bulshada Dr Obiyo Ododo.
Maxamed C/rashiid Faarax oo ah gudoomiye kuxigeenka ururka Dhalinyarada Qaranka oo kamid ah dhalinyarada tababarka ku soo qaadan doona Dalka Uganda oo ka hadlay sida uu u arko tababarkan ayaa sheegay in ay tahay talaabo aad u wanaagsan oo dhiiri gelin karta in dhalintu ay noqdaan mustaqbalka dalka.
Sidoo kale Dr Obiyo Ododo oo ah sargaal AMISOM u qaabilsan arrimaha bulshada oo warbaahinta qaranka kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ka hor inta aanu ka ambabixin garoonka ayaa ka warbixiyaay waxyaabaha dhalinyaradani ay soo baran doonaan.
“U jeedada tababarka ayaa ah in dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka ka qeyb galaysa ay soo qaataan tababar la xiriira hogaaminta wanaagsan, islamarkaana ay u noqon lahaayeen mustaqbalka dalka” ayuu Mr Obiyo hadalkiisa ku daray.
Agaasimaha Agaasinka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Wasaarada Horumarinta Adeega Bulshada Aweys Sheekh Xadaad ayaa waxaa uu sheegay in tababarkan uu ahmiyda weyn uu u leeyahay dhalanyarada Soomaaliyeed si ay uga qeyb qaataan horumarka dalka
“Waa dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka kala socda gobollada dalka safarkooda waxa uu ku saabsanyahay sidii ay u soo arki lahaayen waxqabadka asaagooda ee ah horumarka ay dhalinyarada asagooda ah ay gaarsiiyeen dalalkooda ayna noqdaan kuwa wax ka barta hogaaminta wanaagsan”ayuu Aweys Xadaad hadalkiisa ku daray.
Dhalinyarada Soomaaliyeed oo lafdhabar u ah jiritaanka iyo horumarka bulshada ayaa 20 sano ee la soo dhaafay soo marey daruufo adaga ayadoo tababarada noocaan ah ay ka dhigan yihiin sidii ay u fahmi lahaayeen doorka ay ka qaadan karaan horumarka iyo dib u dhiska dalka maadaama ay soo arkidoonaan qaabka dhalinyarada kale ee wadamada shisheeye kunool ay uga qeyb qaataan horumarka dalalkooda.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.