Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid Guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaki weyngeliyay rasmi ahaanshaha in dowladda Soomaaliya ay ka baxday Kumeel-gaarka, iyadoo dhaliil loo jeediyay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka ayaa sheegay in wali aanay muuqan in laga baxay KMG, marka loo eego dowlado aan aqoonsan baasaboorka Soomaaliya.
“Aniga waxayba ila tahay in KMG wali laga bixin, dowlado na aqoonsaday kaliya, ilaa iyo hada baasaboorkeena lama aqoonsan hadaan Belgium, Ingiriiska, Talyaaniga tagno waxaa nagula dhejinayaa Sticker, halka sida dowlado yar sida Jaziiradda Comoros baasaboorkooda la shaabadeynayo”ayuu yiri Prof. Dhalxa.
Mar uu ka hadlay dhibaatooyinka Soomaalida ku heysta Sacuudiga ayuu wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaarada arrimaha dibada ka hadli weyso, isla markaana xataa Ergey ama wafdi u diri weyso, wuxuuna yiri “Waxaa nasiib daro ah in marka aad eegto waxa ka dhacaya Sacuudiga ee Soomaalida la soo tarxiilayo, hooyooyinka iyo caruurtooda madaxa ku wata iyo xabsiyada kuwa ku jira in aysan wali dowladda ka hadlin, xattaa aysan wafdi u dirin”.
Prof. Dhalxa ayaa sheegay in baasaboorka Soomaaliga aan laga aqoonsaneyn dalal deriska iyo kuwa caalamka, waxaana uu calaamad su’aal geliyay in Soomaaliya ka baxday Kumeel gaarkii iyo in kale, hadalkan ka soo yeeray Xildhibaan Dhalxa ayaa imaanaya, xilli cabashooyin ay ka soo baxayaan Soomaalida dibadaha ku nool oo badankood ku jira.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.