DIBUTAATE NIMADEYDA WAA LA DIBIN DAABYEEYAY!!

jiinka August 14, 2012 Comments Off
DIBUTAATE NIMADEYDA WAA LA DIBIN DAABYEEYAY!!

 Marka hore waxaan jeclahay inaan u qeexo  aqristayaasha Sharafta leh erayga DIBUTAATE kaasoo ah eray Talyaani micnihiisuna yahay  XILKDHIBAAN, hadaba iyaddoo ay maalmo yar ka harsan tahay xiliga doorashada Madaxtinimo ee dalka Somalia 20ka Aug/2012 ayaa waxaa si aan caadi aheyn u cabanaya beelaha Soomaaliyeed kuwaas oo  ka cabanayaan habka loo xullay xubnihii ugu qeyb galli lahaa xildhibaanimadda.

Iyaddoo lagu wado in saacaddo ka dib soo baxo liiska Xildhibaanadda Cusub ayaa waxaa isa soo taraya cabashadda Beelaha Soomaaliyeed kuwaasoo sheegaya inaan si sax aheyn loo maamulin habka xulidda xildhibaanadda, beelwalbana waxa ay ku doodeysaa in hogaamiye dhaqmeedkeeda hab aan sax aheyn loo marin iyaddoo beelo qaar ay mudaaaharaadyo waaweyn ka suubiyay arintaas waloow ay dowllada is hortaagtay, halka kuwa kalena ay go,aano adag ka qaateen ka dib markii lagu soo celiyay Xildhibaano ay xusheen.

Waxaa si aad ah isu urursanayay beryahan rag u qorsheesnaa xildhibaanimo balse ogaaday in laga weeciyay oo la dibindaabyeeyay, rajana aan ka qabin iney sidii ay rabeen wax noqdaan waxaana magaalladii oo dhan isu shareerary qeylo iyo buuq lagu muujinayay sidii ay wax u dhaceen oo aysan ku qanacsaneen sidii wax loo xulay.

waxaa cadaatay in dano gaar ah la fushanayo si dantaasi u hagaagtana waxaa socota in la qoro xildhibaan kasoo jeeda beeshiisa laguna badalo kii ay beesha keensatay, waayo kan ay beeshu keensatay waxaa macquul ah in waqti dheer qaatado jiheyntiisa waqtiguna yar yahay  (Dead line)  taa badal keeddana waxaa diyaar ah mid kale oo programsan beeshana kasoo jeedda loona talin karo oo lagu dan fushan karo sidaana loo qorto oday dhaqmeedkana faraqa loogu shubo wax uusan filaneyn haduu madax addeeg muujiyana loo geeystaa handadaad culus.

Arintan ayaa noqotay maalmahan mida loogu hadal hayn badan yahay oo si weyn loo hadal hayo saameyna ku yeelatay beeellaha oo dhan.
Ugu danbeyntii waxaan la saadaalin Karin sida ay ku danbeyndoonto siyaasadda Somalia iyaddoo ay si aad ah dalka ugu soo aruurayaan Musharixiin badan kuwaas oo mid walba doonayo inuu noqdo madaxweyne, waxaana Hoteeladda magaalladda Muqdisho Buux dhaafiyay Musharixiin badan kuwaas oo warbaahinta ka sheegaya in ay talladda dalka isaga u qalmo uuna wax ka badali karo hadii la doorto, halka ay kuwa hadda tallada dalka haya ay si aad ah u dhibsanayaan hadii ay u suurtoobi laheyd in ay celiyaana jeclaan lahaa in ay yiraahdaan “QOF MUSHARAX AH MASOO DAGI KARO” iskusoo wada duuboo xaalka waxa uu marayaa “dibu taate nimadeyda waa la dibin daabyeeyay waxaana la igu dooriyay ku kaloo kii hore dooran rabo”.Musuqmaasuqan muranka badan dhaliyay ayaa salka ku hayo baa la leeyahay in ay ka danbeeyaan masuuliyiinta ugu sareeysa ee dowladda kuwaas oo doonayo inay iyaga mar kale dib ugu soo laabtaan madaxtinimadda Dalka Somalia, dhanka kale waxaa la xaqiijiyay Xildhibaanadda la xullay in  80/% ay kuwii hore yihiin halka lagu balamay in la xullo kuwa cusub walibana ay dumar ku jiraan balse taas aysan u muuqan in ay sidii loogu balamay noqoto.

W/D Asad Abukar Ali

asaddhayow@gmail.com

Comments are closed.