Madaxweynaha maamulka Puntland oo saacadaha soo socda ku fool leh magaalada Muqdisho.

xeydar September 15, 2012 Comments Off
Madaxweynaha maamulka Puntland oo saacadaha soo socda ku fool leh magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan ayaa ku fool leh magaalada Muqdisho manta oo Sabti ah si uu kulamo ula qaato Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la sheegay inuu kala hadli doono magacaabista Ra’isul wasaaraha cusub oo ay mas’uuliyiin badan u sharaxanyihiin.
Sida warku sheegayo wafdiga madaxweyne Faroole waxaa ka mid ah xubno ka mid ah madaxtooyada Garowe waxaana ay ka qeybgali doonaan xafladda caleemasaarka madaxweynaha cusub oo berry ka dhaceysa magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Faroole ayaa lagu wadaa in marka uu dhamaado caleemasaarka madaxweynaha cusub uu kulan la qaato iyagoo ka wada hadli doona dhismaha xukuumada cusub iyo kaalinta maamul goboleedka Puntland oo ka mid ah maamulada saameynta ku leh Dawlada federaalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Isniintii la soo dhaafay ku guuleystay xilka madaxtinimada dalka ayaa weli ku jira wadatashiyo ku aadan xulista shakhsiga noqon doona raysul wasaaraha cusub ee dalka iyadoo ay soo baxayaan siyaasiyiin loolan ugu jira sidii ay xilkaasi ku heli lahaayeen oo madaxweynaha cusub kulamo la qaadanaya.
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa kulanka uu la yeelanayo madaxweynaha cusub kagala hadli doona magacaabista raysul wasaaraha cusub iyo shakhsiga uu rabo in loo magacaabo maadaama sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in Ra’isul wasaaraha uu ka imaanayo qof kasoo jeeda gobolada Puntland.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.