Kooxo hubeysan ayaa fal dhaawac ah muqdisho waxay ugu geysteen haweeney Bare ka aheyd Jaamacada Somalia ee Magaalada Muqdisho inkstoo dhaawacaas ay u geeriyootay
Haweeneydan oo sida la sheegay dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Uganda ayaa la sheegay in Jaamacada ay ka dhigi jirtay kuliyada BA-da .
Magaca haweeneydan waxaa laagu soo koobay Leyla waxaana wararku ay sheegayaan in minka ay u geeriyootay dhaawacii gabadhaasi loo geystay sida mas’uuliyiinta Jaamacada ay sheegeen.
Kooxihii falka geystay ayaa durba goobta ka cararay waxaana halkaasi baaritaano iminka ka wada ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Somalia.
Falkan ayaa ka dhacay meel aaan sidaasi uga fogeen Jaamacada Somalia qeybteeda Baar ubax, Dhaawaca haweeneydan oo ahaa mid aad u daran ayaa ugu dambeyn ay u geeriyootay.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.