Magacaabista Golaha wasiirada maamulka Jubba oo la isku raacay iyo bari oo lagu dhawaaqayo.

xeydar December 6, 2013 Comments Off
Magacaabista Golaha wasiirada maamulka Jubba oo la isku raacay iyo bari oo lagu dhawaaqayo.

 Kulamadii baryahan ka socday Kismaayo oo salka ku hayey sidii la isugu raaci lahaa magacaabista golaha wasiirada maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Ahmed Madoobe ayaa haddana badi la isku raacay ku dhawaaqistiisa.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay xarunta maamulka Jubba ayaa sheegaya in bari lagu dhawaaqi doono magacyada wasiirada maamulka Juba kuwaasi oo aan si dhab ah loo ogeyn dadka ku jira inay yihiin wajiyo horey loo yaqaanay iyo kuwa ku cusub saaxada siyaasada.

Murankii beelaha qaar ee ku aadanaa wasiirada la siinayo tiradooda iyo xitaa kuwa ay yihiin wasaaradaha ay qaadanayaan ayaa hadda la sheegayaa in xal laga gaaray oo bari lagu dhawaaqo.

Warbaahinta Kismaayo ka jirta ayaa bari lagu wargeliyey inay yimaadaan madaxtooyada oo ah meesha uu degan yahay madaxweynaha maamulka Jubba Ahmed Madoobe halkaasi oo looga dhawaaqayo wasiirada.

Ku dhawaaqista gollaha wasiirada maamulka Juba ayaa waxaa si cad uga horyimid garabka Col, Barre Aadan Shire Hiiraale kuwaasi oo sheegay in haddii lagu dhawaaqo ay iyagana dhankooda wasiiro kale ku dhawaaqi doonaan. Waxaana taasi muujineysaa in aan wali si rasmi ah hishiis looga in maamulkan noqdo mid loo dhan yahay.

Warbaahinta K24 ayaa waxaa ay idin ballanqaadeysaa inay bari idin soo gudbiyo haddii lagu dhawaaqo magacyada wasiiradaasi iyo xitaa sawirada goobta looga dhawaaqi doono.

Isha ku haay warbaahinta K24 oo kala soco xogtii ugu danbeysay ee Soomaaliya iyo dunida kale.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia

Comments are closed.