MADAXWEYNAHA SUDAN OO KU BAAQAY IN LA TAAGEERO SOOMAALIYA

xeydar December 4, 2013 Comments Off
MADAXWEYNAHA SUDAN OO KU BAAQAY IN LA TAAGEERO SOOMAALIYA

Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay taageero caalami ah, si loo xoojiyo horumarka iyo nabadda billowga ah ee ay ku tallaabsatay.Madaxweynaha Sudan ayaa tilmaamay in beesha caalamka looga baahan yahay xoojinta taageerada Soomaaliya ee ku aaddan dhisidda hay’adaha dowladda iyo horumarrada kale si loo xaqiijiyo nabad waarta oo ka dhalata Soomaaliya.

 

Al-Bashiir ayaa hadalkan xalay ka sheegay shir mas’uuliyiinta Sudan iyo Itoobiya ay ku yeesheen magaalada Khartoum, oo uu ka qeyb galay Raysul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, kaas oolooga hadlayay iskaashiga labada dal iyo mashruuc koronto oo Sudan looga soo xiriirinayo dhinaca Itoobiya.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia

Comments are closed.