Munaasabadan lagu xusayay 3 december oo ku beegan maalinta naafada adduunka oo ay ka soo qayb geleen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha howlaha guud iyo horumrinta adeega bulshadda, Xildhibaano, dad naafo ah iyo marti sharaf kale ayaa maanta lagu qabtay magaaladda Muqdisho.
Munaaasabada ayaa intii ay socotay waxaa halkaasi hadalo ka jeeediyay ka qeyb galayaasha xafladda oo hadlay ahmiyada xuska maanta oo kale iyo dhibaatooyinka haysta dadka naafada ah ee ku dhaqan gobollada dalka.
Guddoomiyaha naafada Soomaaliyeed Cali Salad oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in xiligan naafadda ay haysato daruufo adag oo xaga nolosho ah, isagoo codsaday in dadkaasi loo fidiyo gargaar beni’aadanimo “Baahida waxaa ka mid ah in xarumihii dadka naafada lagu daryeeli jiray gacantooda si deg deg ah loogu soo celiyo, waxaana ka codsanaynaa madaxda qaranka in ay u istaagaan sidii dadka naafada ah il gaar ah loogu eegi lahaa” ayuu Cali Salaad hadalkiisa ku daray.
Agaasimaha waaxda naafadda ee Wasaaradda horumarinta adeega bulshadda Shariif Aadan Maxamed ayaa ka hadlay marxalidihii kala duwanaa ee ay soo martay maalinta naafada aduunka islamarkaana la aas-aasay sanadihii todobaatimeeyadii “munaasabada naadafad aduunka kan wasaarad ah ahaan ilaa iyo sahn sano ayay socotay, naafada kala duwan ee soomaaliya 14% ayaa lagu qiyaasay, bishii May ee sanadkii 1977-dii ayay wasaaraddu ku guuleysatay in xaruntii ugu horeysay isgoyska Cali Kamiin Wasaaraddu ka furtay oo ay lahaayeen naafada” ayuu agaasimuhu yiri.
Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu ay ka damqaneyso dhibaatada ay ku noolyihiin guud ahaan naafada Soomaaliyeed, qorshaheedana uu yahay sidii wax loogu qaban lahaa dadkaasi nuucaasi oo kale ah.
Ugu dambeyntii kusimaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta adeega bulshadda ahna agaasimaha waaxda maamulka ee Wasaaradda ayaa sheegay in Wasaaradda horumarinta adeega bulshadda ay qorsheyneyso in degmooyinka gobolka banaadir laga furo xarumo daryeel iyo waxbarasho oo loogu talagalay dadka naafada ah, isagoo xusay in ay dhankooda ku dadaali doonaan sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka naafada ah.
Sedaxda bisha December oo ku beegan maanta oo kale ayaa ah maalin loo asteeyay maalinta naafadda aduunka, waxaana sanad walba laga xusaa adduunka oo dhan.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.