Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe, ayaa sheegaya in halkaasi maanta oo talaado ah ay gaareen wafdi ka socda Qaramada Midoobay.
Wafdigaan ka socda Qaramada Midoobay ee gaaray Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe, ayaa ujeedka ay u tageen waxa ay tahay inay qiimeyn kusoo sameeyaan saameynta fatahaada wabiga uu ka geystay Degmada Jowhar.
Waxaa hogaaminaya wafdigaan isku duwaha arrimaha bini’aadannimo ee Qaramada Midoobay, Philippe Lazzarin, iyadoo ay la socdaan xubno ka socda hay’adaha Gar-gaarka ee Qaramada Midoobay.
Waxa ay qiimeyn ku sameyn doonaan xaalada dadka ay ku nool yihiin iyo saameynta fatahaada wabiga Shabeelaha dhexe uu ka geystay Degmada Jowhar ee Gobalkaasi.
Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda federaalka Soomaaliya ay amniga iska kaashanayaan.
Garoonka diyaaradaha ee Degmada Jowhar, waxaa laga furay xarumo lagu xanaaneeyo oo lagu quudiyo dadka aadka uliita ee Jowhar iyo deeganada ku xeeran ka barakacay.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.