Dowladda Brundi ayaa la wareegtay hogaanka Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kadib markii Taliye cusub u soo magacawday Taliska Guud ee AMISOM.
Taliyaha cusub ee u dhashay Brundi oo lagu magacaabo Lt. Gen. Silas Ntigurirwa ayaa bedeli doona Taliyihii hore ee AMISOM Lt. Gen. Andrew Gutti oo u dhashay dalka Uganda, kaasoo xilkan loo magacaabay May sanadkii 2012.
Dowladda Uganda oo ahaa dalkii u horeeyay ee Ciidamo u soo dira Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii 2007-dii hayay hogaanka Ciidamada, waxaana uu u soo magacaabay Saddex Taliye oo xilalka sanadihii u dambeeyay kala wareegayay.
Taliyaha cusub ee Ciidamada AMISOM Lt. Gen. Silas Ntigurirwa ayaa waxaa uu horay u soo noqday Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Difaaca ee dalka Brundi.
Howl galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu wadaa in dhowaan la gaarsiiyo ilaa 23-kun askari, iyadoo ilaa shan dal ay ka socdaan ciidamada ku sugan Soomaaliya, sida Jabuuti, Brundi, Sierra Leone, Uganda, iyo Kenya, sidoo kale Itoobiya oo ciidamo ka joogaan Soomaaliya ayaa ku biiri doonta howl galka AMISOM.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.