Madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysigii ugu horeeyay ee uu bixiyey waxa uu uga hadlay xaaladda guud ee dalka Soomaaliya sida ay ula muuqata iyo dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab ayaa waxa uu sheegay in dagaalka lagula jiro Al-shabaab uusan noqon doonin mid ciidan oo kaliya balse ay diyaariyeen sida uu yiri tabab kale oo lagula dagaalamo si nabad iyo hormar loo gaaro.
Wareysi dhinacyo badan taabanayey oo uu siiyey Madaxweyne Xasan Sheekh telefishinka afka Ingiriiska ku hadla ee ENCA.COM ayaa waxa uu ku yiri “Xalka Al-shabaab Milatari oo keliya ma ahan ee waxaanu sameyn doonaa qorshayaal kale oo ay ka mid tahay sidii dhinaca dhaqaalaha iyo fikradaha xagga diinta aanu ugala dagaalami laheyn, maadaama dadka Soomaaliyeed ay boqolkiiba boqol muslim yihiin, sida aad la socotaan waxaa jira dhalinyaro badan oo dhinaca Maskaxda lagala dagaalamay kuwo ay dhaqaalo la aani u geysay ku biiritaanka Al-shabaab iyo kuwo siyaabo kale u galay, sidaas oo ay tahay ayaan waxaana sameyndoonaa in juhdi badan aan gelino arrimahaasi sidii meesha looga saari lagaa, waxaa kale oo in lala dagaalamo u baahan dadka ajnabiga ah ee aan u dhalan dalka ee doonayo inay fikrado khaldan ku abuuraan dadkeena”.
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isbedelka dhacay uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin shaqaalaha dowladda, isagoo ballanqaaday inay shaqaaluhu sidii hore u shaqeyn doonaan, wuxuuna yiri isagoo arrimahaasi ka hadlaya “Waxaan rabaa inaan halka ka cadeeyo in isbedelka dhinaca madaxda ah ee dhacay aysan wax saameyn ku yeelanayn shaqaalaha dowladda, sidii hore ayaad u shaqeyneysaan, qofkii la yimaada wax lagu bedelo ayaa la bedeli doonaa”.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha dowladda u sheegay inasy markii hore u shaqeyneyn Sheekh Shariif, balse ay qaranka u shaqeynayeen maantana ay sidii oo kale qaranka ugu shaqeynayaan balse aysan u shaqeynin Xasan Sheekh, isagoo meesha ka saaray in shaqaalaha dowladda la eryi doono, wuxuuna yiri markale “Haddii shaqaale meel laga bedelo meel kale ayaa loo bedelayaa, shaqaaalaha dowladda xuquuq ayey leeyihiin lamana eryi karo, mana jirto cid eryaysa, way dhacaysaa in qofkii kaalinkiisa ka soo dhalaaliwaayo shaqada laga joojiyo”.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.