Wasiirka Arimaha dibadda Ahna Ra’isal Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay war dhawaan ay ka qoreen qaar kamid ah Website-yada lagu qoro afka Soomaaliga ah ayaa sheegtay in wax laga Xumaado ay tahay Wafdi dowlada ka socda oo ka qeyb galaya Shir Caalami qaarkood lagu tilmaamo in ay iska dhiibeen wadamada Yurub, ayadoona arimahaasi ku tilmaamtay dacaayad dadka lagu marin habaabinayo.
Wasiirada ayaa sheegtay in dadka qoray waxaasi been abuurka ah aysan waxbo u tareyn kuna faa’iidi doonin balse uuna doonaayo inuu huriyo colaad iyo burburka Dalka.
Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan wasiirada arrimaha dibada ayaa ugu baaqday qurba joogta Soomaaliyeed in ay horumarin iyo dib u dhisba ku sameeyaan dalka, si jiilka soo koraayo uu u helo wadan wanagsan.
dhawaan ayay ahayd markii ay qoreen qaar ka mid ah Website-yada ku qoran Afka soomaaliga in Xoghayeenta Wasiirada arrimaha dibada ee Xukuumada Soomaaliya oo lagu magacaabo Farxiyo Cabdi Xasan ay iska dhibtay mid ka mid ah Wadamada Yurub, taasi oo ay Maanta Beenisay Wasiirada arrimaha Dibada ee Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.