Wararka naga soo gaaraya iminkaxarunta Golaha Shacabka ayaa sheegaya in gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya uu dib u dhigay doodii looga hadlayay mooshinka laga keenay R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon saacid.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga dooday mooshinka laga keenay R/wasaare Saacid, waxaan xarunta Golaha shacabka ka bilaabatay buuq iyo dood kulul uu dhexmaraysa Xildhibaanadii mooshinka ka keenay R/wasaare Saacid iyo kuwa kasoo horjeeda.
Xildhibaanada Mooshinka ka keenay R/wasaare Saacid ayaa xukuumadda ku eedeeyey inaysan fulin balan qaad ay hore u samaysay oo ay ka mid ahaayeen sugidda ammaanka dalka iyo xakamaynta musuq maasuqa.
Mudanayaasha Baarlamaanka ee kasoo horjeeda mooshinka laga keenay R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa sheegay in Xildhibaanada qaar ee mooshinka ku saxeexan aysan dalka ku sugnayn, waxayna gudoonka Baarlamaanka ka codsadeen in dib loo dhigo mooshinka.
Xildhibaanada mooshinka kasoo gudbiyay xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa aad uga carooday go’aanka kasoo baxay gudoonka Baarlamaanka ee dib loogu dhigay ka dooditaanka mooshinka laga keenay R/wasaare Saacid.
Dhanka kale Mudanayaasha kasoo horjeeda Mooshinka laga soo gudbiyay R/wasaare Saacid ayaa si diiran u soo dhoweeyay dib u dhigista uu ka dhawaajiyay gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya.
Isku soo wada duuboo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaare ayaa sheegay in gudoonka Baarlamaanku uu dib u dhigay ka dooditaanka mooshinka laga soo gudbiyay R/wasaare saacid, wuxuuna sheegay in maalinta barri ah uu dib u furmi doono dooda ay Xildhibaanada Baarlamaanku ka yeelanayaan mooshinka R/wasaare Saacid.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.