Mas,uuliyiinta Maamulka G/Sh/dhexe ayaa sheegay in ay aad u soo dhoweynayaan Heshiiskaani biloowga ka dib markii maanta markii ugu horeysay ay isa soo hor fariisteen Odayaal ka socda labada dhinac kuwaasi oo wadahadalooda ku bilaabay Xeerka Soomaalida ku dhaqanto ee Xilalka la kala qaado si markaasi labada dhinac mid uu gardarada u qaato.
Wadahadalada oo maanta ka biloowday Xarunta Maamulka G/sh/dhexe ayaa waxaa muran & dood ka dib labada dhinac ay isla wada garteen in nabada ay dan u wada tahay iaygoo kulanka maanta ay ka soo baxeen 2 qodob oo aad u muhiim ah
1- In Qoysaskii dhowaan ka soo Barakacay Tuulooyin dhowr ah oo oo ku yaalo daanta Bari ee degmada Jowhar dib loogu celiyo
2- in la wada adkeeyo amaanka guud ahaan gaar ahaana Tuulooyinka shacabka lagu soo celinayo.
Mas,uuliyiinta MaamulkaG/sh/dhexe ayaa balan qaaday in ay soo wada Daabuli doonan shacabka si loogu celiyo Tuulooyinkooda iaydoo Odayaasha Dhaqanka labada dhinacna ay aad u soo dhoweyeeyn.
Gudoomiyaha maamulka Degmada JowharMax,ed Amiin Cimaan Xaaji ayaa sheegay in maamulka Degmada uu aad uga xumaa dagaalka dhacay una ka tacsiyeeynayo, sidoo kale G/kuxigeenka Maamliyada maamulka Gobolka Shabelaha dhexe Cali Cismaan Ibraahim ayaa isna sheegay in Umada Muliminta ah ee degan Shabelaha dhexe qaasatan Degmada Jowhar ay horay u heshay masiibo ka dhalatay fatahaada loona baahan yahay in la is cafiyo.
Kusimaha Gudoomiyaha maamulka Gobolka Shablehaa dhexe oo gabagabdii soo xeray ayaa sheegay in maamulka Gobolka shabelaha Dhexe hadafkiisu uu yahay fulinta rabitaanka shacabka mar walbana ay u heelan yihiin waxaa uuna hoosta ka xariiqay in natiijada ka soo baxday shirka maanta ay garan taagan yihiin soon dhoweynayaan.
Labada Belood ee wadahadalada u biloowdeen maanta ayaa waxaa xusid mudan in ay 29/7/2013 ay heshiis buuxa kuwada gareen halka maanta uu uga biloowday iaydoo heshiiskaasina noqon mid dhaqan gala,iyadoo xiligaasina uu gogoha fidiyay maamulka G/Sh/Dhexe iminkana si la mid Gogosha u fidiyay.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.