Xasan Mahad Cabdi maamulka isbitaalka jowhar oo fahfaahin ka bixiyay xalada dadkii xalay ku dhawacmay qaraxii ka dhacay magalada jowhar

xeydar November 29, 2013 Comments Off
Xasan Mahad Cabdi maamulka isbitaalka jowhar oo fahfaahin ka bixiyay xalada dadkii xalay ku dhawacmay qaraxii ka dhacay magalada jowhar

             Maamulaha isbitaal Goboleedka Jowhar Xasan Mahad Cabdi ayaa ka war bixiyay xaalada dhibanayaal la gaarsiiyay isbitaalka kuwaasi oo wax ku noqday Qarax xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Wuxuu Sheegay Xasan Mahad in xaalada dhaawacyada ay wanaagsan yihiin Qaarkoodna markii isbitaalka la keenay sabab la xiriirta xaaladooda oo wanaagsan dib loogu celiyo xaafadooda,halka tiro kale wali daweentooda uu ka socda gudaha Isbitaalka.

 

Sidoo kale maamulaha isbitaalka Jowhar ayaa sheegay in Tirada dhimashada ay tahay Haweeney Qura laakiin Dhaawacyada ay gaarayaan ilaa 5 ruux oo carruur ay ku jiraan,isagoona dhanka kale tilmamaay in xaalada guud isbitaalka tahay mid wanaagsan dabooli karaana baahiyaha Caafimaad ee jira.

 

Xalay ayay ahayd markii uu qarax bam ah oo lala damacsana Askar ka tirsan ciidamada Dowlada oo ku sugnaa goobta khaadka lagu iibiyo oo ku taalla Gudaha Magaalada Jowhar.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com

http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763

Mogadisho Somalia

Comments are closed.