Kulan wadatashi ah oo ay yeesheen qeybaha ururada bulshada islamarkaana looga hadlayey horumarka arrimaha Bulshada ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Isla markaasna soo qaban qaabisay Dallada USYU ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka kala soctay qeybaha kala duwan ee bilshada kuwaas oo isugu jiray Culum’udiin, Odayaal dhaqameed. Dhalinyaro, Haween, Aqoonyahanno iyo Xildhibaano, ayaa waxaa si gaar ah kulanka diirrada loogu saaray arrimaha bulshada iyo u gar gaaridda Bulshada Soomaaliyeed.
Mudadii uu socday kulanka ayaa looga dooday arrimo la xiriira horumarka, arrimaha bulshada, waxaana la isku weydaarsaday Aaraa’ ku saleysan sidii looga fogaan lahaa wax kastoo keeni kara dib u dhac islamarkaana loogu soo jeesan lahaa horumar si an u tiigsano asaaggeen.
Kulanka waxaa barbar socday Deeq lacageed loogu talagalay shacabka reer Shabeelada Dhexe Jowhar la rafaadsan Daadadka iyo Dagaalada qabiil deeqdaas oo Dalladda USYU kaga timid Jaaliyadda Soomaali Bantu (Jareer Weyne) ee South Africa.
Ugu horeyn Gudoomiyaha Dalladda Mideynta Dhallinyarada Soomaaliyeed Mud. Maxamed Cabdullahi Yuusuf ayaa ka hadlay kulanka shacabka iyo madaxda dowladda ugu baaqay iney si wada jir ah uga shaqeeyaan aayaha dalka si loo gaaro hadafka horumarineed iyo hiigsiga cusub ee la doonayo in dalku gaaro.
Intaas kadib Guddoomiyaha Dalladda wuxuu deeq lacageed ku hor wareejiyay ka qebgaleyaasha shirka gaar ahaan Odeyaasha iyo Xildhibaanada ka soo jeedaan Deegaanka Shabellada Dhexe oo kala ah:-
1) Ugaas Aweys Sh. Hussein Honero
2) Sul. Axmed Rasiid
3) Ex. Xildhibaan Sheekh Axmed Gaafay
4) Mud. Burusow
5) Sh. Hussein Axmed Cusman
6) Ugaas Abuukar Qalaad Hadaafow
Waxaana lagu kala wareejiyey 2 xubnood oo kamid ah Gudiga Dhaqaalaha ay soo wakiisheen Dhibaneyaasha Reer Jowhar, Magacyadoodane waa sida soo socota:-
1) Mustaf Axmed Khaalid = Guddoomiyaha Dhalinyarada ee Jowhar
2) Saalax Mohamed Macalin = Afhayeenka Guddiga Dhaqaalaha ee Jowhar
Sidoo kale Ugaas Aweys Sh. Xuseen Honero Guddoomiyaha Gollaha Guurtida Beelaha Bantu (Jareer Weyne) shirku goob joog ka ahaa ayaa Beesha Caalamka ka codsadey in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka tabaaleeysan ee waxyeeladu ka soo gaartay fatahaadda webiga uu ka qeystay Sh/Dhexe iyo duufaantii ku dhufatay
deegaanno ka mid ah gobollada Bari iyo Nugaal wuxuuna u mahad celiyay Jaaliyadda Soomaali Bantu (Jareer Weyne) deeqda ay u soo direen walaalahooda Soomaaliyeed oo dhibaateysan sidoo kale Ugaaska waxaa sidoo kale mahadcelin balaaran u jeediyay Dalladda USYU oo loo soo wakiishay Deeqda oo ayagane si quruda badan ay ugu wareejiyeen dadka wakiilka u ah dhibane yaasha.
Gebo-gebadii Shirka waxaa ka hadlay Ex. Xildhibaan Sh. Axmed Gaafaay Waxaana Xiray Ugaas Sh. Axmed Rashiid wuxuu ka qeybgalayaasha shirka ka codsadey Dhlinyarada USYU iyo Jaaliyadda Bantu (Jareer Weyne) u duceeyaan isla markaasne la shaqeeyaan sidoo lale wuxuu hay’adaha Dowliga iyo kuwa aan Dowliga ahayn, beesha caalamka ee har iyo habeyn u taagan shacabka taagta daran iney sii wadaan gargaarka bini’aadanimo iyo tan farsamo oo ay siiyaan dowlada Soomaaliyeed iyo Ururada si adeegyadii bulshada ay usii socdaan.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.