Dowladda Mareykanka oo sheegtay inay ciidamo si gaar ah u tababaran geyn doonaan dalka Soomaaliya

xeydar September 15, 2012 Comments Off
Dowladda Mareykanka oo sheegtay inay ciidamo si gaar ah u tababaran geyn doonaan dalka Soomaaliya

Xog’hayaha difaaca dalka Mareykanka Leon Panetta oo ka hadlayey kulan ka dhacay magaaladda Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada safka hore ee uga jira inay kula dagaalamaan dagaalyahanada Al-Qaacida iyo Al-shabaab, wuxuuna intaasi ku daray inay ciidamo si gaar ah u tababaran ay u diri doonaan Soomaaliya si uu yiri ay ugu ugaarsadaan xubnaha Al-qaacida ee halkaasi ku sugan.

Mr. Leon Panetta waxaa kale oo uu sheegay in dowladdiisu ay hadda qorshaha ugu jiraan oo ay dajisay istiraatijiyad ay ku wajayahayaan dagaalyahanada Al-Qaacida iyo Al-shabaab ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in Soomaaliya ay afka hore ugu jirto dalalka ay Al-qaacida kula dagaalami doonaan.
Qorshaha Mareykanka ayuu sheegay xog’hayaha difaaca Maraykanka inay ugu jiraan inay si buuxda ugu u gaarsadaan Al-Qaacidada ku sugan dalka Soomaaliya iyo sidoo kale wadamo ay ka mid yihiin Yamen iyo Afghanistan oo uu ku sheegay inay yihiin wadamada ugu badan ee xilligan Al-Qacida ku xoogan tahay sida uu yiri.

“Soomaaliya waxay kaalinta koowaad ugu jirtaa dalalka uu Mareykanku kula dagaalmayo xubnaha Al-qaacida ee ku sugan gudaha dalkaasi, waxaana haatan qorsheynaynaa in ciidamo tababaran u dirno Soomaaliya, Soomaaliya sida aad la socotaan waxaan ka geysanay hadda ka hor duqeymo lagu bartilmaameedsaday dagaalyahano ka tirsan Al-qaacida, qaarkood waa lagu dilay weerarkaasi, qaarka lama haleelin in la dilo” ayuu yiri xoghayaha difaaca ee dalka Mareykanka Leon Panetta.

Sidoo kale Mr. Leon Panetta waxa uu sheegay in inkastoo la wiiqay awooddii ay lahaayeen Al-qaacida ku sugan Soomaaliya sanado ka hor haddana Mareykanku uu si buuxda isha ugu hayo waxa ka socda Soomaaliya iyo qorshayaasha ay wadaan Al-qaacidada Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray inay tallaabo ka qaadi doonaan.

“Qorshaheenu waa dagaal ka dhan ah Al-Qacida iyo xulafadooda ku sugan afarta wadan ee kala ah Soomaaliya, Yamen, Afghanistaan iyo Al-qaacidada ku sugan waqooyiga Afrika, kuwaas oo xilligan aanu si gaar ah ahmiyad u siineyno” ayuu yiri xog’hayaha difaaca dalka Mareykanka Leon Panetta, waxaana xusid mudan in Mareykanka ay ciidamo ka joogaan dalka Soomaaliya, kuwaas oo la sheego inay saldhigyo ku leeyihiin garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo xarunta ugu weyn ciidamada AMISOM ee Xalane, waxaana lagu eedeeyaa Mareykanku inuu ku xadgudbay cunaqabateynta hubka ee saaran dalka Soomaaliya, maadaama uu si joogto ah u taageero ciidamada AMISOM, isla markaasna uu duqeyn ka geysto gudaha Soomaaliya.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.