Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Generall Cabdi-Xakiin Daahir Saciid Saacid ayaa waxa uu sheegay in shacabka ay horay uga digeen in ay si sharci daro ah ugu ganacsadaan goobaha Shidaalka iyo Hareeraha Wadooyinka, taa oo uu sheegay Taliyaha ay in ay sababtay in maanta uu dab weyn ka kacay Garaash Ku yaalla Iskooska Ku yaalla KM4 ee Magaalada Muqdisho isagoona Eedeyn Kulul u jeediyay Ganacsatada Shidaalka.
Taliyaha ayaa dhanka kale ka codsaday Shacabka in ay ka feejignaadaan in shidaalka lagu iibiyo hareeraha Wadooyinka taa oo uu sheegay in ay khatar ku tahay nafsadooda, waxa uuna Taliyaha tilmaamay inta go’aan kama dambeys ah dowladu ay ka gaareyso inay ku amrayaan ganacsatada Shidaalka in ganacsigooda ay ka fogeeyaan heeraha wadooyinka.
ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa warbaahinta u sheegay in ay badbaadiyeen Gawaari fara badan oo yaalay halka uu maanta dabka ka kacay isagoona xusay in Arrintaani ka gaari doonaan Go’aan Dowladeed.
Hadalkaan aya waxa uu Generaal Saacid ka sheegay xilli uu warbaahinta kula hadlayay goobta uu maanta dabka ka kacay oo ah Garaash ku yaalla Iskooska KM4 ee Magaalada Muqdisho kaa oo sababay khasaaro hantiyadeed.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.