Dab xooggan ayaa ka kacay garaash weyn oo lagu iibiyo gaadiidka iyo shidaalka oo ku yaalla isgoyska lambar afar ee magaalada Muqdisho, iyadoo dabku dabku nmarba marka kasii dameysa uu sii xoogeysanayo, waxaana laga baqdin qabaa inuu khasaare gaarsiiyo goobaha ganacsi ee ku dhow garaashkaas.
Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in khasaare xooggan oo hantiyeed uu dabkan geystay, balse lama oga inuu geystay khasaare nafeed, iyadoo garaashkaas la sheegay inay yaalleen baabuur fara badan oo ganacsi ahaan loo keenay dalka.
“Khasaare aan la qiyaasi karin ayaa ka dhashya dabka. Garaashka waxaa ku jiray boqolaal gaadiid ah oo loo keenay ganacsi ahaan,” ayuu yiri goobjoogaha ayaa intaas ku daray inay dhici karto in khasaare nafeed ay ka dhasheen, balse aan hadda la xaqiijn karin.
Isgoyska Lambar Afar oo ah mid aad u mashquul badan ayaa waxaa ku yaalla goobo ganacsi oo fara badan, iyadoo goobta ay ku sugan yihiin hadda dadweyne aad u fara badan oo qaarkood dabka la dagaalamaya iyo kuwo kale oo daawanaya, iyadoo goobaha ganacsiga ee halkaas ku dhow lagala baxayo hantida taalla.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.