Fatahaada biyaha wabiga Shabele oo faraha ka baxay iyo dagaalo u dhaxeeya qabaa’iilada laf dhabarka u ah Gobolka SH/Dhexe ayaa sababtay in ay haatan macluul iyo gaajo ku timaado kumanaan qoys oo beeraley ah.
Qaab la sheegay in lagu gaarsiin karo gar gaarka si nabad iyo badbaado leh waxaa ku geeynkara ganacsato ka socota ururka midowga Ganacsatada Soomaaliyeed oo isku baheystay in ay dadka macluusha ka dhex raadiyaan Macaash ama faa’iido mug leh waxaana hor jooge u ah Nin lagu magacaabo Cali Cumarow oo ka mid ah ganacsatada magaalada Jowhar.
Gaadiidka daabulka gargaarka loo adeegsan karo ayaa ah Nooca loo yaqaan TM kaas oo awood u leh in uu dhex jibaaxo biyaha ku jira wadooyinka G/SH/Dhexe, qeymaha lagu qaadayo raashinka gargaarka ayaa ah Halkii Loor ama 50kg lacag dhan 100.000 sh.so = ama $ 5 dollar , socdaalka gaadiidka ka baxa Muqdisho ilaa Jowhar waxay ku qaadaneysaa 3 ilaa 4 maalmood gaar siinta gargaarka uu u sido magaalada Jowhar.
Magaalada Jowhar Waxaa ka sameysmay guddiyo iyo NGO u istaagay caawinta dadka faraha badan ee ka soo barokacay
tuulooyinka ku teedsan magaalada Jowhar gudiyadaasi waxaa ka mid kuwo u gaar ah qabaa’ilka Beeraleyda oo horjoogayaal ka ah u gargaarista dadka soo galay Jowhar ayna u fureen kaam loogu kariyo raashiin laguna quudiyo qeysaska soogaaray Kaamkaasi, maa’mulka degmadana uu raali uga yahay howl gal kaasi ay ku gargaarayaan shacabka tabaaleysan .
Hey’addaha ugu waaweyn ee hada ka bilaabay jikooyin raashin loogu karinyo barokacayaasha (IDPs camps) waxaa ka mid ah MAMA ASHA Foundation iyo Hormuud Foundation iyo kuwo kale.
Qatarta iyo dhibaatada ku imaan karta gargaarka loo wado gobolka Sh/Dhexe magaalada Jowhar inta uu jidka ku soo jiro waxaa ka mid ah
1 wadada oo aad raf u ah biyana ay fadhiyaan ayey baabuurta ku dhex jabi karaan sida ku dhacaday gaadiid faro badan.
2 maamulka degmada Balcad ayaa dhici karta in uu ku dhago raashiinka gargaarka ah, asiga oo sheeganaya in uu ka mid yahay Maamulka Gobolka SH/Dhexe yiraahdana wax naga siiya raashinka aad u wadaan degmada Jowhar,
Sida dhacday 3 maalmood ka hor maamulka Balcad waxa uu qabsaday Raashin ay waday WFP waxuuna la wareegay qaar ka mid ah raashiidkii loo waday qoysaska ku tabaaleysay degmada Jowhar iyo tuulooyinka ku dhaw dhaw.
Sidaas awgeed raashiidka gargaarka waxuu ku badbaadi karaa in loo wakiisho Ganacsato si qaali ah kaa iibineyso raashinka aad ku gargaareysi Barokacayaasha ku sugan degmada Jowhar.
Dhinaca kale hadii aad dooneysid in aad ka gadato raashiin gargaar gudaha magaalada jowhar qeymahiisa waa siday ;
Basiir 25kg waa 350.000 sh.so
Saliid caaga sadaxle waa 80.000 sh.so
Galayda hal kombo waa 4.000 sh.so
Dalagyada uu caanka ku ahaa gobolka ayaa gawaabsi ah sida Galayda iyo digirta.
Ugu dambeentii mid ka mid ah hay’adaha samafalka ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka codsaday in ay ganacsatada u raqiisiyaan raashiidka gargaarka ah ee loo dirayo shacabka ku dhibaateysan Biyaha iyo Colaada ka aloosan Gobolka Shabeelada Dhexe.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.