Xarakada Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay waxay ka hadashay fatahaada uu webiga Shabeelle ka geystay deegaano hoostaga magaalada Jowhar iyo sidoo kale dagaalo beeleedka muddooyinkii dambe ka dhacayey deegaanada bari ee duleedka magaalada Jowhar, kuwaas oo u dhaxeeyay beelo walaalo ah oo halkaasi wada dega.
Guddoomiyaha Xarakada Al-shabaab u qaabilsan gobolka Shabeelaha Dhexe Sheekh Yuusuf Ciise Kaba Kutukade oo la hadlay warbaahinta afka Al-shabaab ku hadasha ayaa sheegay in fatahaadaha uu wabiga shabeelle ka geystay gobolka Sh/dhexe uu saameyn xoogan ku yeeshay shacabka gobolkaasi, wuxuuna intaasi ku daray intii ay xukunka Jowhar hayeen uusan webiga wax fatahaad ah sameynin, fatahaada haddana ay daliil u tahay in wax uusan alle raali ka aheyn lagu soo kordhiyeymagaalada Jowhar iyo gobolka.
Yuusuf Kaba-kudukade ayaa sidoo kale sheegay in fatahaada wabiga Shabelle uu maasheeyay magaalada Jowhar iyo tuulooyin ka tirsan Sh/dhexe, isagoo xusay in rag ka tirsan ciidamada dowladda ay ka dambeeyaan fatahaada, wuxuuna yiri “Fatahaada wabiga Shabelle wuxuu maasheeyay qeybo badan oo magaalada Jowhar ka tirsan illaa ay ka go’day wadada laamiga ee isku xirta Muqdisho iyo gobolada dhexe”.
Guddoomiyaha Al-shabaab u qaabilsan gobolka Shabeelaha Dhexe Sheekh Yuusuf Kaba Kutukade ayaa tilmaamay in fatahaadaha uu wabigu ka geysanayo gobolka uu ku sii faafayo deegaano horleh oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuuna baaq u diray shacabka Soomaaliyeed oo uu ka codsaday inay u soo gurmadaan shacabka walaalahood ah ee ku dhibaataysan gobolka Shabeelaha Dhexe ee uu waxyeelada u gaystay fatahaadaha uu sameynayo wabiga Shabeelle.
Dhinaca kale gudoomiyaha Alshabaab u qaabilsan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in Al-shabaab ay aad uga xunyahay dagaalada kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe ee u dhaxeeya beelaha wada dega goboka, wuxuuna sheegay inay beelahaasi walaaha ay isku darayaan AMISOM iyo dowladda Soomaaliya.
Comments are closed.