Marsel Samtal odiyambo oo ah xidig xaga weerarka kaga ciyaarah kooxda Banaadir oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee dalkeena una dhashay dalka Kenya ayaa qaatay Diinta Islaamka. Ciyaaryahankaan ayaa sidoo kale badalay magaciisii hore wuxuuna la baxay magaca Muxamed,
Abuukar Maxamed Sheekh oo ku magac dheer Afwayne oo ah gudoomiyaha kooxda Banaadir ayaa Idaacada Risaala u xaqiijiyay, isagoona sheegay in ay ku qalqaaliyen inuu qaato diinta islaamka ugu dambeyna uu isaga go’aanka qaatay sidaasina uu diinta islaamka ku qaatay.
Weeraryahankaan u dhashay Dalka Kenya ayaa kooxda Soomaaliya ka dhisan ee Banaadir ku soo biiray Sanadkaan Sadax kulan uu u saftayna wuxuu u dhaliyay Labo gool.
isagoona Labadii kulan ee ugu danbeeyay ciyaaryankaan Muslimay uu ciyaaray waxay ka tirsanaayeen horyaal wuxuuna u horseeday kooxdiisa guul, Marsel Samtal Odiyambo oo la baxay Muxamed ayaa kooxda Banaadir u qaata lanbarka 12-aad wuxuuna noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Kenyaan ah gool ka dhaliyaa horyaalka Soomaaliya
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.