Shir deg deg oo ay xalay yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin weerarkii Shabaab ay ka geysteen Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji C/wali oo kulanka kadib saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Golaha Xukuumadda Soomaaliya ay kawada hadleen sidii gurmad deg deg ah loola gaari lahaa dadkii dhaawacyada uu kasoo gaaray weerarka Beladweyne.
Wuxuu sheegay in guddi wasiiro ah oo loo xilsaaray arinta Beladweyne ay maanta ka ambabixi doonaan Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Wafdigaasi oo uu hogaaminayo Wasiirka Kheyraadka dalka Soomaaliya iyo wasiir ku xigeenka Wasaarada caafimaadka.
Sidoo kale Golaha Xukuumadda ayaa ka hadlay dagaaladii ka dhacay deegaanka Nambar Kontan ee Gobalka Shabeelaha hoose, halkaasi oo ay ku dagaalameen ciidanka Milateriga Dowladda iyo ciidanka deegaanka.
Guddi wasiiro ah oo uu horkacayo Wasiirka Garsoorka C/laahi Abyan Nuur iyo Wasiirka arimaha gudaha ayaa tagi doona deegaanka Nambar Kontan ee Gobalka Shabeelaha halkaasi oo ay ka sameyn doonaan baaritaan ku aadan sababta ka dambeysay dagaalkii ka dhacay Gobalkaasi.
Dowladda Soomaaliya oo ay ku furan yihiin mowjado siyaasadeed oo udhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale waxa ay la kulmaysaa culeesyo kaga imaanaya Gobalada dalka oo meelaha qaar duufaano ay ka jiraan halka meelaha qaar lagu dagaaamayo.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.