Wafdigii ay dowladda Soomaaliya u xilsaartay xalinta dagaalaka kasoo cusboonaaday gobolka Shabeelaha hoose ayaa maanta gaaray deegaanka Lambar Konton oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dheceen dagaallo xooggan oo dhexmaray ciidamada Militeriga iyo malayshiyaad deegaankaas ka soo jeeda oo ka amar qaata gudoomiyaha deegaanka Lambar Konton.
Wafdiga maanta gaaray deegaanka Lambar Konton ayaa waxaa hogaaminayeen wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka qaranka C/kariin Xuseen Guuleed iyo wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi waxaa halkaas si siiran ugu soo dhoweeyay odayaasha iyo dadka deegaanka.
Masuuliyiinta maanta gaaray deegaanka Lambar Konton ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa safarkooda ku wehelinayay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo kasoo jeeda gobolka Shabeelaha Hoose.
Shacabka ku nool deegaanka Lambar Konton ayaa maanta oo dhan sugayay wafdiga dowladda federaalka Soomaaliya ee loo xilsaaray xalinta khilaafaadka dhaliyay dagaalka ka dhacay deegaanka Lambar Konton ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Deegaanka Lambar Konton ayaa waxaa ku dagaalamay ciidamada militeriga dowladda Soomaaliya iyo malayshiyo beeleedyo kasoo jeeda deegaankaas oo ka amar qaata gudoomiyaha deegaanka Lambar Konton,dagaalkaas ayaa dhaliyay khasaare xooggan oo soo gaaray shacabka rayidka ah ee ku sugan deegaankaas.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.