Maamulka Gobalka Shabeelada Hoose oo Sheegay in ay howl gallo ka wadaan degmada Afgooye

xeydar September 14, 2012 Comments Off
Maamulka Gobalka Shabeelada Hoose oo Sheegay in ay howl gallo ka wadaan degmada Afgooye

Iyadoo shalay galinkii dambe Qarax sababay qasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhawaac uu ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa arintaasi waxaa ka hadlay Maamulka Degmadaasi .

Guddoomiyaha Gobolka Shabeeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo Wareysi gaar ah siiyay Jiinwabi.net (JWNews) ayaa waxa u sheegay in ay wadaan howlgal ay ku doo nayaan in ay kusoo Qab qabtaan Dadkii ka dambeeyay Qaraxii shalay ka dhacay Degmada Afgooye waxaana uu tilmaamay in ay wali socdaan Howlgaladaasi .

Waxa uu sheegay in ay wali ku raad joogaan ciddii ka dambeysay Qaraxaasi waxaana uu tilamaamay in ay socon doonaan Howlgalladaasi ilaa ay gacanta uga soo dhigaan Dadkii ka dambeeyay Qaraxa waxaana uu sheegay in ay ka warbixin doonaan markii ay howlgalladaasi soo dhamaadaan .

Qaraxaasi oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya degmada Afgooye waxaana Qaraxaasi ku wax yeeloobay qaar ka mida ha Ciidankii lala eegtay iyo sidoo kale Dad ka agdhawaa halkii uu Qaraxaasi ka dhacay .

Degmada Afgooye waxaa gacanta ku haya Ciidanka Dowladda Soomaaliya waxaana ay ka wadaan Baaritaano ay ku donayaan in ay gacanta ku soo dhigaan Dadkii ka dambeeyay Qaraxa .

Qaraxa waxaa uu yimid iyadoo maalin ka hor Magaalada Muqdisho uu ka dhacay Weerar Ismiidaamin ah oo la la damacsanaa in lagu dilo Madaxweynaha Soomaaliya

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.