Kadib markii shalay uu dagaal ka dhacay Deegaanka No-50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose kaasi u dhaxeeyay Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya iyo ciidamo kale oo iyana ka tirsan Maamulka Deegaanka No-50 oo Dowlada Hoos taga.
Cabdulaahi Waafow oo ah gudoomiyaha Deegaanka No-50 oo la hadlay Warbaahinta ayaa dagaalkii shalay ku eedeeyay Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo aad u hubeesnaa kusoo qaadeen Deegaankaasi halkaasna ay ka geesteen xasuuq iyo Boob.
Gudoomiye Waafow ayaa sheegay in Ciidamada soo weeraray ay yihiin Ciidamo ka amar qaata Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayna hogaaminayeen Jen.Goobaale iyo Janaraale Qaafow waxa uuna Dagaalkii shalay Gudoomiyaha Deegaanka No-50 ku saleeyay mid qabiil islamarkaane aan lagu tilaami karin mid dhax maray ciidamada dowlada.
Eedeynta kadib ayaa Jen Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo isna la hadlay Warbaahinta Muqdisho waxa uu beeniyay in dagaalka uu ku lug lahaa waxa uuna taa badalkeeda sheegay in Dagaalkii shalay uu u dhaxeeyay Ciidamo katirsan Milatariga iyo Ciidamo taabacsan Al-Shabaab oo kusugnaa Deegaanka No.5o.
Sido kale yuusuf Indha Cadde waxa uu ku eedeeyay Maleeshiyada dagaalka la gashay Ciidamada Milatariga in ay yihiin kuwa Shabaab hoosta ku wata dadkana dhibaato ku hayay waxa uuna cadeeyay in Dowlada Soomaaliya ay ogtahay isna ogyahay in dagaalyahano Shabaab ah ay joogaan degaanka No-50.
Si kastaba ha ahaatee marka laga soo tago eedeynta labada dhinac isku jeediyeen ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowlada Soomaaliya oo ku aadan Dagaalkii dhiiga badan ku daatay ee maalintii shalay ka dhacay Deegaanka No-50.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.